BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Gabadhii ay Somaliland soo deysey
 

 
 
Ka dib markii Dr Ganim Al-Najaar oo u dhashey dalka kuwit oo ku takhasusey arimaha aadamanimo uu la shirey madaxada Jamhuuriayadda la magac baxdey Somaliland.

Zamzam waxaa magaalada Garowe lagu keenay dayuurad ay leedahay Qaramada Midoobay.

Zamzam oo aan kula kulma Garowe ayaan kala sheekaystay sida ay wax u dhaceen iyo waxa ka jira dhibaatooyin kala duwan oo la sheegay in loo gaystay.

Waxa ay tiri "Abtigay oo wasiir ah baan u socday, waa la xiray, markii la i xiray waxaa la i geeyay saldhigga dhexe ee Hargaysa, waxaan halkaa ku jiray 15 cisho waxaaana la i soo xiray 15/8/2004, iyagoo halkaas igala bixi jiray fiidkii saacaddu markay tahay 7:00 ina soo celin jiray saacaddu markay tahay 2:00 habeenimo ee dambe".

"Waxaa la ii qaadi jiray meel magaalada ka baxsan, waxaa la igu sameeyay jirdil iyo kufsi wax la iila haray ma jirto, dharkii aan gashanaa waa la iga jeexjeexay, dharkii kalana waa la igala haray, lacagtii aan watay oo dhamayd $150 waa iga dhaceen, waxaa la ila dhici jiray bakoorad, qori dabadiis, iyo laad iyo feer, nabarradiina ilaa iyo hadda jirkayga way ka muuqdaan".

"markii maxkamada la i soo taagay ee aan arkay nimankii falkaas igu sameeyay ayaan iri nimankan sidaas ayeey igu sameeyeen, laakiin waxaa la iigu jawaabay aamus iyo cay''.

waxaa jira eedo ay maxkamadaha Hargaysa u jeediyeen ZamZam kuwaas oo la xiriiray inay basaas u ahayd maamulka Puntland, sidee ayay taas u aragtaa Zamzam?

''Anigu Puntland lama shaqayn jirin waxaan ku dhashay degmada Dhahar oo aan intaas kula soo ekaaday, Puntland waxba kama garanayn waxaan maqli jiray Cabdullaahi Yuusuf ayaa madax ka ah, anigu waxaan ahaa ardayad dhigata iskuul ku yaal magaalada Boosaaso fasalka siddeedaad, ismana lahayn Somaliland ayaa lagugu qabsanayaa ama lagugu dilayaa oo sidaa cadowtinimada leh laguula dagaallamayaa''.

Qaar ka mid ah garyqaannada jooga magaalad Garowe ayaa walwal ka muujiyay xukunka shanta sano ah ee lagu xukumay Zamzam iyo qaabka ay haatan kaga soo baxday xabsiga ay muddada ku jirtay iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid aan la garanayn waxa ay ku salaysan tahay, Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur oo ah nin garyaqaan ah ayaan arrintaas wax ka waydiiyay.

''Waxay ila tahay Zamzam waa qof da' yar, qaanuunka Soomaaliga wuxuu leeyahay qofka yar laguma xukumi karo ciqaab haddii uusan gelin dembi dil ula kac ah, waxaa la geeyaa meelo lagu xanaaneeyo xataa haddii uu dembigu sugnaado".

Xukunkii Samsam lagu qaadey

Xagga cafiska gabadhii waxaa lagu xukumay shan sano, rafcaan ayay ka qaadatay, racfaankii lama gelin , waqtigii ma dhammaan, qaanuunku wuxuu leeyahay qofku waa inuu dhammaysto waqtiga racfaanka oo ah muddo bil ah laga billaabo markii xukunku dhacay, ama haddii uu racfaanku socdo inta uu maxkamadda sare kaga dhammaanayo''.

Dr. Ganim Al-Najaar oo ah ninka gacanta ka gaystay siidaynta Samsam oo aan isagana la kulmay ayaan waydiyay inay kaalintiisu ku kooban tahay siidayna Samsam oo keliya iyo inuu arrintan dabagal ku samaynayo, wuxuuna tilmaamay in haddii loo baahdo uu diyaar u yahay inuu gacan ka gaysanayo.

''Ilaah baa mahad leh, dhibaatadani way dhammaatay, waxaan rajaynayaa inaysan dib u dhicin mushkilad tan oo kale ah, haatan waxaa haray haddii ay jirto dabagal arrintan lagu sameeyo iyo in dacwad lagu oogo dadka gaystay falal dhan ka ah xuquuqda bani'aadamka, aniga iyo dad kale ayaa diyaar u ah inaanu gacan ka gaysano arrintaas''.

Samsam waxay ii sheegtay inay doonayso inay sii wadato dacwadeeda la xiriirta dhibaatada ay tilmaantay in loo gaystay inta ay ka helayso cadaalad loo siman yahay.

Waxay kaloo Samsam tilmaantay in dadka dhibaatada u gaystay ay yihiin dad kooban isla markaana ay jireen dad badan oo ku nool magaalada Hargaysa kuwaas oo intii ay xabsiga ku jirtay gacan ka gaystay arrinteeda waxayna ii sheegtay inaysan weligeed illaawi doonin dadkaas oo ay si gaar ah uga magacowday Raaqiya Oomaar.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin