http://www.bbcsomali.com

Dukuminti ku saabsan Idi Amin

Idi Amin waxa uu Britain u soo jeediyey in wadaxaajood lagu qabto Uganda kaas oo ay ka soo wada qeybgalayaan labada dhinac ee diiniga ee Ireland isku haya.

Waxa uu qoraalkaas hadda la soo bandhigey ee Idi Amin barigaas u direy dowladda Britain uu ku yiri, maadaam Uganada ay tahey waddan uu Ingiriisku soo gumeystey fursad weyn ayaa Uganda uga furan in ay dhex-dhexadiso dhinacyada diineed ee woqooyiga Irland isku haya. Waxa kale oo Idin Amin uu qoraalkaas ku sheegey inuu hayo talooyin kale oo isaga u gaar ah oo lagu soo afjari karo khilaafaadka u dhaxeeya Protestanka iyo Catholigga isku haya Woqooyiga Ireland.

Madaxda Britain markii dhexdooda ay tahey, waxa ay arinkaas u arkeen fikir caaqnimo ah oo lala yaabo, laakiin markii si guud looga hadlo, dowladda Britain si edebi ku jirto ayeey ugu jawaab celisey Idi Amin ooy u diidey gargaarkii uu ku yaboohey. Waxana Britain sheegtey in mushkiladda Ireland ay tahey mid xalkeeda loo baahanyahey iney gudaha dalka ka timaaddo.

Iskudey kale oo loo maleenayo inuu Idi Amin ku rabey inuu ku kaalmeeyom Britain sanadkii 1973dii, markii is-afgaranwaa ba'an ee warshaduhu uu waddanka Britain dhaawacey, ayuu Idi Amin telegram u direy Ra'iisalwasaarihii Britain ee waagaas joogey, Edward Heath.

Waxa Idi Amin telegramkaas ugu sheegey Ra'iisalwasaaraha Britain inuu cunto ula diyaaryahey Britain. Waxa kale uu Idi Amin intaas ku darey inuu xataa diyaar u yahey inuu Britain ku caawiyo lacag uu ka soo saareyo keydkiisa shakhsiyadeed ee isaga u gaarka ah.

Iyadoo waagaasi ay bulshada Ingiriiska ee joogtey Uganda ay si joogta ah khatar kaga imaan kartey Idi Amin ay foodda u saarnaayeen, ayaa mar kale ay dolwadda Britain si xushmad leh yaboohii labaad ee Idi Amin mar kale loo diidey.

Idi Amin

Idi Amin oo mar isku sheegey inuu yahey boqorkii Scotland iyo inuu yahey midkii xoogga ku qabsadey boqortooyadii Britain ee Afrika, waxa mararka qaar uu bannaanka ka haa qof lagu maadsado, laakiin dalka Uganda gudihiisa waxa loog baqi jirey inuu yahey kaligii taliye masuul ka ah xasuuq ka dhacey Uganda oo dowladu ku dishey saddex boqol oo kun oo qof.

Aakhirataankii Ugandise waddanka dibadda uga maqnaa iyo ciidamada Tanzania ayaa Idi Amin afganbiyey bishii April ee sandkii 1979kii.

Muddo hadda laga joogo sanad iyo bar ayuu Idi Amin ku dhintey dalka Sucuudiga oo tan iyo barigii la afganbiyey uu masaafiris ugu noolaa.