BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Dowladdii Soomaliya oo la magacaabay
 
Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi
Cali Maxamed Geeddi wuxuu dhisay dowladdiisa markii labaad muddo bil gudaheed ah
Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, ayaa ku dhawaaqey dowladdiisa cusub ka dib bil ku dhowaad ka hor markii dowladdiisii hore uu baarlamaanku kalsooni u diiday.

Dowlaadda cusub ee Cali Maxamed Geedi waxa ay ka kooban tahay 42 Wasiir, iyo 42 wasiir ku xigeen, toddoba wasiire dowle, laakiin todobada wasiire dowle shan kaliya ayuu Mr Geedi ku dhawaaqey magacyadooda iyadoo labada kalena dib loo soo bandhigi doono, waxa kale oo la magacaabey saddex Ra'iisal wasaare ku xigeen oo ka mid ah wasiirada horey loo xusey. Sidaas darteed, tirada dadka jagooyinkooda lagu dhawaaqey Jimcihii waa 89 qof iyadoo labana harsantahey.

Waxyaabaha markiiba isha qabaneyso oo dowladani ay kaga duwantahey tii hore waxa ugu weyn in laba mudane oo dowladdii hore Wasiiro ka ahaa ay haatan jagooyinkoodii waayeen, waxana ay mudanayaashaasi kala yihiin:

Waxayna kala yihiin:

1-Maxamed Ibrahim Xaabsade iyo
2-Cali Maxamed Fiqi

Dowladdan cusub ee lagu dhawaaqey maanta oo Jimce ah 07-da bisha Jannaayo waxa ay kaga duwan tahay tii baaralamnku hore u ridey in ay tiro ahaan ka badan tahay tii hore iyo in sida hadalka loo dhigay la dheellitiray marka la eego habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Goormaa la ansixinayaa?

Dowladda uu Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ku dhawaaqey waxa la filayaa in ilaa Isniinta la horgeyn doono baarlamanka si ama loo ansaxiyo ama loo diido.

Dowladdan cusubi waxay dowladdii hore kala mid tahay iyadoo ay ka muuqdaan dhammaan hoggaamiye kooxeedyadii oo hadda dhammaantoodba ku jira baarlamaanka.

Waxa uu Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ku qasbanaaday in uu mar labaad dowladdiisa soo dhiso ka dib markii dowladdiisii hore uu baarlamanku riday 11kii bishii December 04.

Magacyada wasiirrada oo kaamil ah

1. Wasaaradda garsoorka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur
2. Wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
3. Wasaaradda arrimaha gudaha, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid isla markaana ah ra'iisal wasaare ku xigeen
4. Wasaaradda gaashaandhigga, Cabdiraxmaan Maxamuud Cali
5. Wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Qanyare Afrax
6. Wasaaradda dastuurka arrimaha federaalka, Cabdalle Deerow Isaaq
7. Wasaaradda maaliyadda ahna ra'iisal wasaare ku xigeen, Saalim Caliyow Ibrow
8. Wasaaradda qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdirisaaq Cismaan Xasan
9. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska, Fowsiya Maxamed Sheekh Xasan
10. Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa, Ibraahim Maxamed Isaaq
12. Wasaaradda beeraha, Xasan Maxamed Nuur (shaati guduud)
13. Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, Xasan Abshir Faarax
14. Wasaaradda batroolka, Yuusuf Maxamed Axmed Xaraare
15. Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta, Cismaan Xasan Cali Caato
16. Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda, Cali Ismaaciil Cabdi
17. Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, Ibraahim Aadan Xasan
18. Wasaaradda ganacsiga, Muuse Suudi Yalaxow
19. Wasaaradda macdanta iyo biyaha, Maxamuud Salaad Nuur
20. Wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka, Maxamed Cabdullaahi Kaamil
21. Wasaaradda daryeelka naafada iyo agoonta, Xuseen Ceelaabe Faahiye
22. Wasaaradda tamarta, Maxamed Nuuraani Bakar
23. Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta, Cali Axmed Jaamac
24. Wasaaradda warshadaha, Cabdi Maxamed Tarrax
25. Wasaaradda dhulka iyo deegaameynta, Mowliid Macaani Maxamed
26. Wasaaradda horumarinta miyiga, Maxamed Maxamuud Guuleed (gacmo dheere)
27. Wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta, Barre Shire Aadan (hiiraale).
29. Wasaaradda caafimaadka, Cabdicasiis Sheekh Yuusuf
30. Wasaaradda waxbarashada, Cali Cabdullaahi Cosoble
31. Wasaaradda tacliinta sare, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
32. Wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi
33. Wasaaradda deegaanka iyo maareynta aafooyinka, Maxamed Cismaan Maye
34. Wasaaradda iskaashi-goboleedka, Ismaaciil Maxamuud Hurre
35. Wasaaradda hantida qaranka iyo qalabaynta, Maxamuud Sayid Aadan
36. Wasaaradda dalxiiska iyo duur-joogta, Maxamed Maxamuud Xeyd
37. Wasaaradda warfaafinta ahna ra'iisal wasaare ku xigeen, Maxamuud Cabdullaahi Jaamac
38. Wasaaradda lacagta, Cabdikariin Axmed Cali
39. Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliyadaha dibadda, Sheekh Aadan Sheekh Maxamed
40. Wasaaradda dhaqancelinta iyo tababaridda maleeshiyooyinka, Bootaan Ciise Caalin
41. Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta, Cumar Maxamed Maxamud (filish)
42. Wasaaradda shaqada iyo horumarinta shaqaalaha, Saalax Cali Faarax
43. Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga, Axmed Cabdullaahi Jaamac Daakir
44. Wasaaradda cilmiga iyo tiknolojiyada, Ismaaciil Xasan Jaamac

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin