BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Janwari, 2005, 15:08 GMT; 18:08 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Golaha Wasiirada oo la gaarsiinayo 91
 

 
 
Ali Geddi
Ali Geddi
Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay tirada golaha wasiirada dowladda oo uu soo bandhigay ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi.

Baarlamaanku, wuxuu ku ansixiyay soo jeedinta ra'iisul wasaaraha 220 cod, iyadoo 19 ay diideen, 4-na ay ka aamustay.

Ra'iisul wasaaraha ayaa u sheegay baarlamaanka in uu dowladiisa ka dhigayo 42 wasaaradood, oo leh wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno iyo 7 wasiiru dowle, kuwaasi oo isku noqonaya 91.

Xildhibaanada, ayaa markii ra'iisul wasaaruhu soo jeediyay tiradaasi codsaday in ay ka doodaan, waxaana is qoray in ay hadlaan ilaa 40 xildhibaan, kuwaasi oo 32 ka mid ah ay isku raaceen in ay ogolaadaan tirada badan ee golaha wasiirada, iyadoo 8-na ay diideen.

Xildhibaanada ogolaa, ayaa doodooda ku saleynayay in loo baahan yahay in xal loo helo baahida xil ee inta badan xildhibaanada iyo guud ahaan beelaha si awood qaybsi oo loo wada qanciyo beelaha, iyadoo kuwa diidanna ay ku doodayeen in tirada golaha wasiirada oo la badiyaa aysan awoodqaybsi iyo dib u heshiisiin ahayn ee ay tahay in la helaa wasiiro tayo leh.

Xildhibaanada qaar, ayaa baarlamaanka ka soo jeediyay codsi ay ku dalbanayaan in wax laga qabto dad Soomaali ah oo lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ilaa maalintii Axadda, iyagoo ku sii jeeday Muqdisho, iyagoo sidoo kale codsaday in si deg deg ah loogu laabto Soomaaliya kadib markii madaxwaynaha Kenya, Mwai Kipaki uu meel fagaare ah ka sheegay in Soomaalida maadaama dowladda loo dhisay loo baahan yahay in ay ku laabtaan dalkooda, oo aysan sii joogin Kenya.

Guissepe De Climente, oo hooyadii Soomaali tahay, oo isagoo calanka Soomaaliya sida, una ololaynaya nabadda Soomaaliya baaskiil ku soo maray dalal Yurub iyo Afrika ah, ayaa maanta fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo baarlamaanka, waxaana uu xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in nabad buuxda lagu soo dabaallo Soomaaliya, si gaar ahna ugula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka in ay nabad u horseedaan Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin