Abdirahman Koronto
BBCSomali.com
Madaxwaynaha Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa Cali Maxamed Geeddi u magacaabay ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Wuxuu madaxwaynuhu sheegay in wadatashi dheer kadib, iyadoo xubno aqoon u leh ay isku soo sharaxeen xilka ra'iisul wasaaraha, uu go'aansaday, isagoo ku qanacsan in uu ra'iisul wasaare u magacaabo professor Cali Maxamed Geeddi, waxaana uu ka codsaday in sida dastuurku dhigayo muddo bil ah uu ku soo magacaabo wasiirada oo baarlamaanka laga soo xulayo.
Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Cali Maxamed Geeddi, ayaa isaguna sheegay in uu aqbalay xilka loo dhiibay isla markaana uu ku dadaalayo in uu golaha wasiirada ku soo magacaabo muddada loo qabtay ee bisha ah.
Munaasabadda ra'iisul wasaaraha lagu dhawaaqayay, ayaa waxaa joogay ka soo kow saxaafadda, wasiirka iskaashiga gobol iyo bariga Africa ee Kenya, John Koech, Guddoomiyaha baarlamaanka, diblomaasiyiinta ka kala socotay wadamada IGAD, xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka iyo martisharaf kale.