|
Baarlamaanka oo ka dooday qodobo iskhilaafsan | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta fadhi ku yeeshay xarunta Mpagathi ee magaalada Nairobi. Barlaamka, oo uu guddoominayo guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Maxamed Cumar Dalxa, ayaa bilaabay in uu ka doodo qodobada 46 iyo 47 sidii la isku waafajin lahaa, kuwaasoo isku khilaafsan in ra'iisul wasaaraha laga soo xusho baarlamaanka iyo in bannaanka laga keeno. Dood dheer kadib oo xildhibaanadu u kala baxeen qaar taageersan in baarlamaanka kaliya laga soo xulo iyo qaarka taa badalkeeda qaba , ayaa guddoomiya ku xigeenka baarlamaanka oo fadhiga guddoominayay, waxaa uu codsaday in sida uu qabo dastuuka hadii wax laga badalayo charter-ka ay waajib tahay in motion ay keenaan ugu yaraan 92 xildhibaan, oo ay ogolaadaan sadex meelood meel kadibna sadex meelood laba meel ay ansixiyaan. Waxaa saansaantu ay tahay in inta badan xildhibaanadu ay doonayaan in gudaha baarlamaanka iyo dibadaba laga soo doorto ra'iisul wasaaraha. Doodda xeer hoosaadka Howshaasi oo maanta laga gaari waayay ayaa loo ballan berito hadii shuruudda la buuxiyo, iyadoo salaadii duhur kadibna la galay doodda xeer hoosaadka oo ilaa hadda laga dooday toban qodob oo ka mid ah. Waxaa baarlamaanku ku ballamay fadhigooda kan xiga ee berito in uu ka dhaco hotel 680 ee bartamaha magaalada Nairobi, iyadoo la filayo in uu ku sii biiraan guddoomiyaha baarlamaanka. Doodda baarlamaanka ee qodobadan, ayaa ka dambaysay kadib markii madaxwaynuhu uu ka dalbaday baarlamaanka intii uusan u ambabixin magaalada Addis Ababa in si uu ugu dhiirado magacaabidda ra'iisul wasaaraha uu doonayo in baarlamaanku go'aan ka gaaro qodoban. Booqashada madaxwayne C/laahi Yuusuf ee Itoobiya, oo uu kula kulmay midowga Africa oo uu ka dalbaday ciidamo labaatan kun gaaraya, ayaa maanta ku eg, waxaana la filayaa in uu ku soo laabta magaalada Nairobi kadib go'aanka baarlamaankana uu ku dhawaaqo ra'iisul wasaarihiisa. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||