BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Octobar, 2004, 12:09 GMT; 15:09 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Wafdi Ingiriis ah oo la kulmay madaxwaynaha
 

 
 
Xildhibaanada baarlamaanka
Xildhibaanada baarlamaanka
Wafdi uu hogaaminayo Xoghaye hoosaadka xafiiska arrimaha dibedda iyo barwaaqo-soornka ee dalka Britain, Chris Mullin, ayaa maanta la kulmay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Ingiriiska, ayaa baarlamaanka ugu hambalyeeyay sida demoqraadiyadda leh ee ay u doorteen madaxwaynaha, guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka, taasoo uu sheegay in ay ahayd tallaabo demoqraadiyadeed oo wayn.

Wuxuu sheegay in doorashadaasi ay dhiirigalinayso in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato bulshada caalamka, iyadoo madaxa wafdigu ballanqaaday in dowladda Ingiriisku ay hiil iyo hooba la garab istaagayso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dowladda cusub ee Soomaaliya marka la dhamaystiro in ay noqoto mid ka shaqaysa nabadda, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, isla markaana wadashaqayn buuxda la yeelata mujtamaca caalamka, tixgalisana bulshada rayidka, hay'adaha samafalka iyo dhowrista xuquuqda aadaha.

Hogaamiyaha wafdiga dowladda Ingiriiska ee la kulmay baarlamaanka, Chrif Mullin, ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku ay lacag gaaraysa 3 million oo giniga istarliinka ah ugu deeqayso Soomaaliya, si wax looga qabto goobaha ay abaaraha iyo dhibaatooyinka ka jiraan, isla markaana ay ka qaybqaadanayaan dhinacyada dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo wax ka qabshada adeegyada guud.

Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa wafdiga Ingiriiska uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen shirka dib u heshiisiinta labada sano ka socday Kenya ee lagu dhisay madaxwaynaha iyo baarlamaanka, oo muddadaasi uu wakiil u joogay.

Wuxuu xusay in deeqda ay ummadda Soomaaliyeed u fidiyeen in ay tahay mid dhiirigalin wayn ah oo shacbigu soo dhowaynayo, iyadoo uu ka codsaday in dowladda Ingiriisku aysan ka seexan taabagalinta soo celinta qarankii Soomaaliyeed.

Dhinaca kale madaxwaynaha Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maanta afurka iyo cashada ku casuumay xildhibaanada hotelka Grand Regency.

Madaxwaynaha, ayaa tan iyo markii la doortay waday la tashiyo ku aadan cidii uu u magacaabi lahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo aad looga warsugayo iyadoo dad badan qabaan in ay qofka la magacaabo ku xirnaanayso sii shaqaynta dowladda uu madaxwaynaha u yahay C/laahi Yuusuf.

Waxaa wararku sheegayaa in laga yaabo in madaxwaynuhu ku dhawaaqo ra'iisul wasaaraha maalmaha foodda nagu soo haya, oo ay ugu soo horayso berito.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin