|
Wareegii koobaad oo tiriskiisu dhammaadey | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Waxa dhammaadey wareegii koobaad ee doorashada Madexweyninimada waxana hadda lagu dhawaaqey lixda musharax ee ugu horeeya iyo tirada ay kala heleen. Waxa Guddoomiyu sheegey iney isku soo hareen Cabdullahi Yusuf oo heley 80 cod, Cabdullahi Cadow oo heley 34 cod, Maxamed Qanyare oo heley 33 cod, Cabdiraxman Jaamac Barre oo hely 17 cod, Cabdiqaasim Salaad Xasan oo heley 15 cod iyo Maxamed Xuseen Cadow oo heley 14. Intii aan la bilaabin coddhiibashada ayaa waxa halkas ka hadley Guddoomiyaha Baarlamanka cusub ee Federaaliga ee Soomaaliy, Shariif Xasan Shiik Aden oo xubnha Baaralamanka halkaas ku goobaabiyey. Waxa dhanmmaan musharaixiinta laga saxiixey warqado ay ku ballanqaadayaan iney u hogaansamayaan natiijooyinka ka soo baxa doorashadan, islamarkaana la shaqeen doonaan ooy gacan siin doonaan mushjaraxa ku guuleysta doorashadan Intii aysan doorashadu bilaabmin ayaa waxa tartankii ka baxey oo ka tanaasuley labada musharax ee kala ah Jaamac Cali Jaamac iyo Maxamed Xasan Nuur (shaati Guduud). Doorashadii lagu dooranayey ciddii Madexweynaha u noqon laheyd Soomaaliya ayaa duhurnimadii Axadda ka bilaabmatey Nairobi. Waxa hadda dhamaatey wareeggii koobaad ee doorashada Madexweyninimada Soomaaliya, waxana lagu guda jiraa tirinta codadkii la dhiibtey. Habka cod tirintu u dhaceyso Lix iyo labaatan qof oo ka wakiil ah 26 musharax ee ka qeybgaley wareegga koobaad ee dooorashada ayaa meel gaar ah la fariisiyey, waxa wakiiladaas dhammaantood la tusey bakhshad weyn oo maran oo aysan wax ku jirin oo lagu guri doono codadka qof kasta la siiyo. Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa gacanta intuu galsho sanduuqa ay ka buuxaan codadkii la dhiibtey mid mid u soo saaraya warqadaha lagu codeeyey. Markii uu saasaro warqad kasta kor ayuu u qaadayaa Guddoomiyaha Baarlamanku isagoo ku dhawaaqaya qofka warqaddaas loogu codeeyey, ka dibna waxa warqaddaas loo gudbinayaa qofka wakiilka ka ah musharaxaas oo fadhiyey barta wakiilada loo qoondeeyey. Markii uu Guddoomiyaha Baarlamanku ku dhawaaqey labadii cod ee u horeysey ayeey xubnaha Baarlamanku sacbiyeen, markaas ka dib ayaa Guddoomiyaha Baaralamanka iyo Xubnaha Baarlanaka ee doorashada maamulaya ay xubnaha baarlamanka ka codsadeen in mar dambe aan la sacbinin oo xasiloonida la dhowro, sidaas ayeey tirintii codbixinta loo agaasimey. Intii aan la bilaabin coddhiibashada ayaa waxa halkas ka hadley Guddoomiyaha Baarlamanka cusub ee Federaaliga ee Soomaaliy, Shariif Xasan Shiik Aden oo xubnaha Baaralamanka halkaas ku goobaabiyey. Waxa dhanmmaan musharaixiinta laga saxiixey warqado ay ku ballanqaadayaan iney u hogaansamayaan natiijooyinka ka soo baxa doorashadan, islamarkaana la shaqeen doonaan ooy gacan siin doonaan mushjaraxa ku guuleysta doorashadan Intii aysan doorashadu bilaabmin ayaa waxa tartankii ka baxey oo ka tanaasuley labada musharax ee kala ah Jaamac Cali Jaamac iyo Maxamed Xasan Nuur (shaati Guduud). Waxa xubnaha Baarlamanka iyo musharaxiinta Madexweyninimadu ay bilaabeen sii tagista xarunta doorashadu ka socotey ee KASARANI oo ah dhisme weyn oo lagu qabto ciyaaraha oo ku yaal meel ku aaddan Woqooyi Bari Nairobi, saaka saacadu markii ay aheyd 09:00 aroornimo saacadda Nairobi. Waxa dadkii halkaas galayey loo kala yeelo aklbaabo kala duwan oo ay ku dhagn yihiin calaamadu tusmeenaya halka ay musharaxiinta ama marti shartafta sare iyo xubnaha baarlamanku ka soo galayaan iyo albaabka ay wariyayaasha ka soo galayaan. BBC-da waxa KASARANI u jooga maanta, dhowr wariye oo uu ka mid yahey Madaxa Laanta Af Soomaaliga Yusuf Garaad Cumar. Waxa kale oo halkaas ka soo warinaya Cabdullahi Xaaji, Siciid Cali Musa, Cabdiraxmana Koronto, Xasan Barise iyo Cabdirasaaq Xaaji Catoosh. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||