|
Cilmi baaris ay samaysay hay'adda CRD | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mid ka mid ah madaxda Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga (CRD) ee magaaladda Muqdisho, Jibril Ibraahim Cabdulle, oo ay BBC-du waraysatay ayaa waxa uu ka warramay dhibaatooyinka horyaalla dowladda la filayo. Jibril oo BBC-da ugu warramay Nairobi ayaa waxa uu sheegay in inay si aad ah uga shaqeeyeen xal u helida dhibaatadda soomaliya waxuuna sheegay in laga tashado arimaha soomaliya oo mararka qaarkood xitaa ay u yeeraan jaamacaddaha. Ka qeybgalka shirarka Jibriil waxa uu sheegay in looga yeeray shirar dhowr ah sida Koonfur Afrika,Maraykanka iyo dalka Japan, Jibril waxa uu intaasi raaciyey in wadamaddaasi ay doonayeen inay ogaadaan inay ogaadaan waxa Soomaliya ku dhacay. Mar la weydiiyey waxa ay Soomaliya ku soo kordhiyeen ayaa waxa uu sheegay inay wax weyn ku soo kordhiyeen sida marka wadamadda dibada ah ay doonayaan inaysSoomaliya caawiyaan waxaa taasi wax weyn ka tarayey warbixinadda aan siino. Warbixinno Jibriil waxa uu BBC-da u sheegay in hay'adaha samafalka iyo waliba kuwa shaqada ku leh arrimaha nabadaynta ee Soomaliya ay siiyaan warbixino joogto ah taasina waxa uu sheegay inay hay'adahaasi ka kaalmeysay inay si fiican u fahmaan arimaha Soomaliya. Waxa uu intaasi raaciyey in warbixinadda ay diyaariyeen uu qaatay bangigga aduunka taasina uu bangigga aduunka ka caawin doono dowladda iman doonta. Caqabadaha Mar la weydiiyey waxyaabaha ugu horeeya ee caqabadaha ah ee dowladdan ay la kulmi doonto oo loo baahan yahay in laga hor tago waxa uu sheegay in dowlada dhismi doonta loo baahan yahay in cida laga guuleystay ay la heshiiso dowladda. Waxaa kaloo uu Jibriil BBC-da u sheegay in marka dowladda ay tagto caasimadda Moqdisho loo baahan arimo dhowr ah sida hub ka dhigista maadamaa shacabkii ay hub haystaan oo hogaamiyayaal kooxeedyadu ay hub haystaan oo waliba ay jiraan maxakamadaha islaamiga ah oo iyana hub haysta. Ilaha dhaqaalaha Waxaa kaloo uu ka hadlay Jibriil ilaha dhaqaalaha ee canshuuraadka ka soo gali lahayd ee dowladda la dhisi doona oo ay haystaan dad qaas ah. Sida uu Jibriil BBC-da u sheegay waxaa dhibaato iyana ay ka iman doontaa arinta fedaraalka la doonayo inay ku dhaqanto arinta Soomaliya oo uu sheegay in xuduudaha magaalooyinka ama goboladda ay dhibaato ka iman doonto. Isagoo intaasi racaaciyey in Soomalida ay u baahan tahay wax cusub madaxweynaha la dooran doonana waxa uu u baahan yahay inuu waqti badan galiyo dadka hogaamiyayaal kooxeedyadda ah ee Nairobi jooga ka hor inta aanan la aadin Soomaliya. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||