BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Abaaraha ka taagan Puntland
 

 
 
Dad xaqooti ah
Dad aad u badan ayeey abaartani saameysey
Baaritaan uu dhowaan sameeyay urur la yiraahdo Guardian, saldhiggiisu yahay magaalada Garowe ayaa sheegaya in magaalada Garowe keliya ay ku sugan yihiin qoysas gaaraya kun qoys oo marka tiradooda la isku celceliyo lagu qiyaasay lix kun oo qof, kuwaas oo halkaa ku soo xerooday ka dib markii ay ka quusteen noloshii miyiga.

Dadkan intooda badan waxay dulsaar ku yihiin dad ay qaraabo yihiin oo magaalada deggan, inkastoo ay abaarta ka dhacday dalka ay tahay mid samaysay magaalooyinka laftigooda, waxaana aad looga dayrinayaa nolosha dadkaas ka soo galay dhinaca miyiga oo haatan u baahan gargaar xagga hoyga iyo cuntada ah.

Maymuun Bashiir Nuur oo iyana madax ka ah ururka Guardian oo aan wax ka waydiyay xaaladda dadkan ayaa ii sheegtay in laga rajo qabo in mustaqbalka dhow dib u dejin loo sameeyo dadkan ka soo barakacay miyiga, iyadoo taas lala kaashanayo hay'adaha Qaramada Midoobay ee gobolka ka hawlgala.

Hay'adda Diakonia oo saldhiggeedu yahay magaalada Garowe ayaa dhowaan gargaar u fidisay dad badan oo ku soo xerooday magaalooyinka Qardho, Garowe, Gaalkacyo iyo Buuhoodle, kaasoo ka kooban cunto isugu jirta sonkor, Bur, Saliid, Timir, Bariis iyo meelaha qaarkood oo laga fuliyay gargaar kale oo xagga biyaha ah.

Sida ay ii sheegtay Siciido Xirsi Cigaal oo ah madaxa hay'ada Diakonia waxaa gargaarkan laga qaybgeliyay dad kale oo horay u degganaa magaalooyinka, hase ahaatee, la il darnaa dhaqaale xumo aad u ba'an, inkastoo Siciido tilmaantay inay dadkaasi weli u baahan yihiin gargaar intaa ka ballaaran dhibaataduna ay tahay mid baaxad wayn leh.

Marka laga yimaado magaalooyinka waxaa iyana laga dayrinayaa meelo badan oo ka mid ah miyiga oo ay ka jirto macluul xoog badan, iyadoo ay dhowaan meelaha qaarkood ka da'een roobabkii dayrta ayaa haddana la sheegayaa deegaanno badan ay weli ka taagan tahay biya yaraan.

Dhibaatooyinka reer Miyiga heysta ma yaro

Dhibaatada la xiriirta xagga cuntada iyo biyaha ka sokow dadka ku nool miyiga waxaa waqtigan haysata gaadiid la'aan ka dib markii ay ka dhamaatay awrtii ay raran jireen, waxana haatan miyiga ka jira qoysas tira badan oo xitaa aan u guuri karin halka ay roobabku ka da'een, kuwaas ay dantu noqotay in halkooda loogu geeyo gargaar xagga biyaha ah sida uu ii sheegay Siciid Aadan Cilmi oo ka mid ah masuuliyiinta urur samafal oo la yiraahdo KAALO oo dhowaana socod ku soo maray meelo ka mid ah miyiga gobolka Nugaal.

Waxaa la tilmaamayaa in tuulooyin fara badan ay iyana ku sugan yihiin dad aad u tira badan oo ka soo xarooday xagga miyiga kuwaas oo aan haysan cunto ku filan, iyadoo aysan halkaa ka jirin biyo nadiif ah iyo xarumo caafimaad midna waxana intaa dheer in dadka goobahaas ku sugan ay ku jiraan haween iyo caruur aad u badan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin