|
Waraysiga guddoomiyaha baarlamaanka | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Waraysi BBC-du ay la yeelatay Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Sheekh Adan, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo quseeya howlaha baarlamaanka Soomalidda horyaala. Guddoomiyaha, ayaa BBC-da u sheegay in maanta oo Isniin ah uu baarlamaanku ka doodi doono xeer hoosaadka. Waxaa kaloo uu afhayeenka baarlamaanku sheegay in baarlamaanka uu ka hadli doono in lacagta lagu xiray musharaxiinta ee 2000 ee Dollar ah loo celin doono musharixiinta iyo in baarlamaanku la wareegi doono. Shariif Xassan Sheekh Adan, waxaa kaloo uu BBC-da sheegay in laga hadli doono sida ay u dhacayso doorashadda madaxweynaha oo bishan tobankeedda dhici doonta.
Waxaa kaloo maalinta Talaadda ah uu sheegay in ay bilaabanayso ka hadalka musharaxiinta jagadda madaxweynenimada u taagan ay ka hadlayaan barnaamijkooda ay ku soo bandhigayaan qudbadahoodda. Waxaa musharax walba la siin doona ilaa shan iyo toban daqiiqo oo hadal ah, laakiin Afhayeenka waxa uu intaasi raaciyey in hadii musharaxiintu ay tirada hadda ay yihiin ay ka yaraadaan ay dhici karto in waqtiga loo kordhiyo. Afhayeenka baarlaamaanka federaalka waxa uu BBC-da u xaqiijiyey in ay jiri doonto waraaq laga doonayo in musharaxiintu ay saxiixaan, taasoo laga doonayo in hadii musharaxa looga badiyo tartanka uu la shaqaynayo musharaxa ka guulaystay. Waxaana arrimahaasi la qaban doonaa maalmaha Talaaddada, Arbacada iyo Khamiista. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||