|
Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhintay doon | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Doontaasi oo dabaysha ku kacday dabadeed uu jaho-wareerkii ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay dad gaarayaa ilaa 20 qof, laakinse waxaa ka badbaaday oo gaaray xeebaha dalka Yemen qaar badan oo Soomaali ah, kuwaasoo ay BBC-du qaar ka mid ah wareystay. Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa dadkaasi ka badbaaday doontaasi ayaa BBC-da u sheegay in ay xeebta Ceelaayo ka soo raaceen doontaasi iyagoo ay tiradoodu dhan tahay 95 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan. Kharashka Cabdi Cali Jaamac wuxuu intaasi ku daray in markii ay doontaasi soo raacayeen dadka Soomaalida ah qofkiiba laga qaaday lacag dhan 500,000/=, taasoo sida uu sheegay u dhiganta US $ 30, "laakin dadka Itoobiyaanka ah waxaa laga soo qaaday Harta Sheekha, waxaana laga qaaday lacag badan," ayuu yiri Cabdi Jaamac. Meher doon dhexdeed Ninkaasi oo isagoo jooga magaalada Cadan ay BBC-du la hadashay wuxuu sheegay in billowgii habeenkii koowaadba intii aanay dhibaatadu dhicin ay wiil iyo gabar doonta wada saarnaa ay sheegeen in ay isku dhex nikaaxsanayaan doonta, halkaasoo uu wiil kale iskula mehriyey. Cabdi Cali wuxuu sheegay in xaflad yar oo kooban halkaasi lagu sameeyey oo daango ama salool qofba siduu u yaqaanno loo qeybiyey dadkii doonta wada saarnaa, laakiin farxaddaasi wax badan ma sii raagin, waayo wax yar kaddibna waxaa doonta ku billaabatay dabayl keentay xasillooni darro. Billowgii dhibaatada "Dadkii ayaa billaabay in ay kolba dhinac u yaacaan, dabadeedna dhallinyaradii doonta wadatay ayaa billaabay in ay dadka garaacaan," ayuu yiri Cabdi Cali Jaamac oo isaga xitaa sheegay in waxoogaa ay madaxa dhaawacyo ka soo gaareen. Buuqii dhashay darteed ayaa qaarna ay doonta isaga boodeen, qaar uu dhaawac gaaray, laakiin mar dambe oo is-tiro koobeen ayuu sheegay Cabdi Cali Jaamac in ay ogaadeen in ay 20 qof ka maqneyd kuwaasoo ay dhimasho u tiriyeen. Badbaado Labo maalmood kaddib ayey doontaasi dadkeedii soo gaareen xeebaha dalka Yemen, halkaasoo ay ciidamada dalkaasi dadkii soo badbaaday biyo iyo raashin raashin iyo cabitaan siiyeen. Ugu dambayntii Cabdi Cali Jaamac waxaa kaloo uu BBC-da u sheegay in lammaanihii isku dhex guursaday doonta iyo wiilkii isku meheriyey saddexdaba ay ka mid ahaayeen dadkii ka soo badbaaday doontaasi. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||