|
Doorashada G/xigeenka Baarlamaanka | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya kadib markii uu wareegii sadexaad ee doorashada uu kaga guulaystay Maxamed Xaashi Gaani. Maxamed Cumar Dalxa oo laga rabay 139 cod, ayaa ku guulaystay wareega 3-aad markii uu helo 160 cod, Maxamed Xaashi Gaani uu ka helay 96, iyadoo ay codeeyeen 256 xildhibaan. Maxamed Xaashi Gaani, ayaa u hambalyeeyay guddoomiye ku xigeenka cusub, isagoo isla markaana u mahadceliyay xildhibaanada doortay iyo kuwa aan dooranba. Guddoomiye ku xigeennimada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah, ayaa isla caawaba loo dhaariyay Prof Maxamed Cumar Dalxa. Guddoomiye ku xigeenka labaad Dabadeed waxaa tartanka galay Cismaan Cilmi Boqorre iyo Axmed Diiriye Maxamed, kuwaasoo wareegii ugu dambeeyey codadka ku kala helay 127 cod oo uu helay Cismaan Cilmi Boqorre iyo Axmed Diiriye Maxamed oo helay 98 cod, waxaana sidaasi loogu sacab tumay Cismaan Cilmi Boqorre oo noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee guddoomiyaha baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa u tartamaya shan musharax, iyadoo sadex musharax ay ku hareen wareegga koowaad. Wareegii labaad Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Maxamed Cumar Dalxa iyo iyo Maxamed Xaashi Gaani, ayaa isugu soo haray wareega sadexaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka ku meelgaarka. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa wareegga labaad ku hogaaminayay 87 cod, iyadoo Maxamed Xaashi Gaani oo ku soo xigay uu helay 68 cod, waxaa wareega labaad ku haray Axmed Dhimbil Rooble iyo C/laahi Maxamed Macalin Faax oo 64 iyo 55 kala helay siday u kala horeeyaan. Maxamed Cumar Dalxa iyo Maxamed Xaashi Gaani, ayaa kii labadooda hela 139 cod iyo ka badan, waxaa uu noqonayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Wareegga 1-aad guddoomiye ku xigeenka 1-aad Maxamed Cumar Dalxa, ayaa hal cod ku hogaaminayay oo uu ka horeeyay musharaxa ugu soo dhow doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya wareegii koowaad. Waxaa doorashada guddoomiye ku xigeenada oo sadex wareeg ah hadii la isku mari waayo wareega hore, ka soo baxay wareega koowaad afarta musharax ee ugu dhibcaha badan sida axdiga ku meelgaarka ah uu qabo, iyadoo ay markii hore ku tartamayeen ilaa 7 musharax. Afarta musharax ee wareega labaad ku tartamaysa, oo kala ah Maxamed Cumar Dalxa oo wareega koowaad helay 57 cod, Maxamed Xaashi Gaani oo helay 56,Axmed Dhimbil Cadoowe oo 40 cod helay iyo C/laahi Faax oo 36 cod helay. Hadii wareegga labaad uu midkoodna cod aqlabiyad ah heli waayo, waxaa wareega sadexaad u gudbaya labada ugu dhibcaha badan, oo markaana cod hal dheeri ah uu doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ku guulaysan doono. Raaligalinta Sheekh Aadan Madoobe Galabta markii uu furmay fadhiga baarlamaanka, ayaa qofkii ugu horeeyay ee ka hadla waxaa uu ahaa Sheekh Aadan Madoobe, oo ahaa musharixii Shariif Xassan uu kaga guulaystay doorashada guddoomiyenimada baarlamaanka, kaasoo horay u sheegay in uusan ku faraxsanayn oo laaluush iyo lacag looga helay.
Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu sheegay in uu raaligalin ka bixinayo arrintaasi, uuna ka tacsiyaynayo qaladkii dhacay, haatanna uu ku qanacsan yahay sida ay doorashadu u dhacday, raalina ka yahay, wuxuuna xusay in guddoomiyaha iyo isagu ay muddo laba saac ah shirayeen oo ay is afgarteen, isagoo kula dardaarmay musharixiinta hadda kadib tartami doonta in aysan sidii uu horay u sameeyay sameynin ee ay isla markiina muujiyaan tanasulkooda. Waxaa baarlamaanka fadhiya oo guddoomiye ku xigeenada u codaynaya ilaa 256 xildhibaan, kuwaasi oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharaxaad ay soo jeediyeen guddi sharci yaqaano oo shan xubnood ah oo soo jeediyay in labada guddoomiye ku xigeen ay ahaadaan koowaad iyo labaad, waxaase axdiga ku qornaa in la doorto guddoomiye ku xigeeno siman, taasoo ay sheegeen in sharaxaadda la bixiyay ay saamaxayso in ay noqdaan koowaad iyo labaad. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||