BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Sebtembar, 2004, 20:11 GMT; 23:11 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Doorashada Afhayeenka Soomaaliya
 

 
 
Shiikh Aden Maxamed Nur (Aden Madoobe)
Aden Madoobe 30 cod ayaa wareeggii koobaad laga hormarey
Xubnaha baarlamanka ee codeeyey waxa ay ahaayeen 267. Xubnahaas 161 ka mid ah waxa ay u codeeyeen Shariif Xasn Shiikh Aden, halka uu Aden Maxmed Nur (aden Madoobe) ka heley 105 cod, hal codna la garan waayey oo uu xumaadey.

Qaddar daqiiqada ah ka dib waxa aan idiin soo daabaceynaa taariikhdii waxqabad iyo waxbarasghadiii Shariif Xasan Shiikh Aden.

Wareeggii koobaad ee doorashadu waxa uu ku dhammaadey iyadoo uu Shariif Xasan Shiikh Aden uu heley 119 cod, ninka labaadna uu noqdey Sh. Aden Maxamed Nur (Aden Madoobe) oo heley 89 cod, halka kaalinta saddexdaadna uu ka galey Maxamed Cabdi Yusuf oo ah Ra'iisalwasaarihii u dambeeyey ee Dowlddii KMG aheyd ee lagu soo dhisey dalka Jabuuti oo heley 11 cod iyo Dr. Xuseen Cusman Xuseen oo aan aad loo aqoon oo galey kaalinta afaraad ka dib markii uu heley 9 cod.

Waxa hadda lagu lagu guda jiraa wareegii ugu dambeeyey doorashada, halkan ayaad caawa ka daalacan kartaan natiijooyinka doorashada Afhayeenka Baaralamanka Soomaalida oo aan idiinka soo tabin doonnaa ilaa inta ay ka dhammmaaneyso.

Waxa madasha Baaralamanka fadhiyey 268 mudanayaal iyo marwooyin oo halkaas codkooda ka dhiibanaya, waxa kale oo iyaguna halkaas goob joog ka ah Wasiirada Arimaha Dibadda ee Dowladaha ku bahoobey Ururu Goboleedka IGAD, diblomaasiyiin ka socdey waddamada hormoodka ka ah qabanqaabada shirka, xubno ka socdey bulshada caalamka ee maalgalisey shirka Soomaalida, ergeyga gaarka ah ee Dowladda Kenya u xilsaartey shirka Soomaalida, Ambassador Bethwell Kipligat iyo Safiirka Kenya u qabilsna arimaha Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cabdi Afey.

Sababta doorashadu u ragtey maanta

Waxa markii hore la qorsheeyey in doorashada Afhayeenka Baarlamanka Federaaliga ee KMG ee Soomaalida la qabto 2:30 dhurnimo wakhtiga Nairobi, laakiin maadaama uu xijaabtey mudane ka tirsan baarlamanka, Mr Faarx Xasan Maxamed (Faarax Sayid) ayeey muddadaasi dib u dhacdo dhowr saacadood.

Saacaddu markii ay ahweyd 06:00 Makhribnimo ayaa xubnaha baarlamanku ay guda galeen cod dhibashadoodii muddada badan la sugayey. Markii la gaarey 10:00 fiidnimo ee Nairobi ayeey doorashadu u wareegtey wareeggii labaad.

Nala joog oo halkan nagala socda si aan idiinku soo gudbinno wararka u dambeeya iyo natiijooyinka doorashada, ilaa inta ay ka dhammaanayaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin