BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Sebtembar, 2004, 14:31 GMT; 17:31 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Dib u dhaca fadhiga maanta ee baarlamaanka
 
Fadhigii baarlamaanka lagu waday maanta in uu yeesho ayaan si rasmi ah u qabsoomin, iyadoo laga soo wareejiyay Bomas of Kenya oo tan iyo markii kulamada baarlamaanku bilowdeen ay xildhibaanadu ku kulmayeen.

Waxaa dib loo dhigay fadhigii uu maanta yeelan lahaa baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ee Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen dhibaatooyin la soo gudboonaaday shir guddoonka oo la xiriiray arrimaha howlfududaynta kulanka baarlamaanka, iyadoo guddoomiyaha ku meelgaarka ah Xirsi Bulxan Faarax uu u sheegay xildhibaanada in ay dib isugu soo laabtaan berito tobanka subaxnimo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka tirsan xoghaynta shir guddoonka, ayaa ii sheegay in ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyinka la xiriira soo badinta qoraalkii ay ugu talo galeen in uu noqdo xeer hoosaadka shirka, iyo iyadoo ay xildhibaanada oo hoteelo kala duwan ka degan magaalada aysan baabuurtii soo qaadi lahayd waqti fiican u tagin.

Wuxuu Dalxa ii sheegay in ay la kulmeen ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan shirka Soomaaliya, Bethuel Kiplagat oo ay kala hadleen dhibaatooyinkaasi oo ay ka mid ahaayeen xitaa in makarafoonadii hoolka aysan sidii la rabay u shaqaynaynin iyo guud ahaan tas-hiilaadkii kale ee lagu sii socodsiin lahaa kulamada baarlamaanka, taasoo uu sheegay in uu ballanqaaday in wax laga qabto uuna magacaabay qof xiriiriye u ah shir guddoonka iyo guddiga fududaynta shirka ee IGAD.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta, ayaa lagu waday in uu ka doodo xeer hoosaadka, iyo qaabkii loo dooran lahaa afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iyo ku dhawaaqidda waqtiga la dooranayo afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo madaxwaynaha.

Kulankii ugu dambeeyay, waxaa laga soo jeediyay in doorashada afhayeenka baarlamaanka ay dhacdo 15-ka bisha, madaxwaynahana la doorto 22 bisha.

Fadhiyada baarlamaanka, ayaa loo soo wareejiyay xarunta Mpaghathi oo horay intii aan baarlamaanka la dhaarin ay shirarku ka socon jireen, iyadoo lagu waday in tobanka subaxnimo uu bilowdo shirka baarlamaanka, ayaa markii aan tagnay Mpaghathi, waxaa xildhibaanadu ay u kala qaybsanaayeen kuwo kuwo bannaanka koox koox u taagan, qaar iska dhex socday xarunta Mpaghathi iyo kuwo kale oo ka shaahaya ama markaasi ka quraacanayay maqaayado yar yar oo teendhooyin ka samaysan oo halkaasi ka dhisan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin