BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
26 Julaay, 2004, 15:05 GMT; 18:05 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Shirka Kooxaha Soomaalida ee Kenya
 

 
 
Shirka kooxaha Soomaalida
Shirka kooxaha Soomaalida wuxuu hadda ku dhow yahay gebogebo
Shirka kooxaha Soomaalida ee muddada labada sano ku dhow ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa haatan gebogebo ku dhow, kaddib markii la dhammeeyey qeybintii kuraasta xildhibaannada ee inta badan beelaha Soomaalida.

Shirka kooxaha Soomaalidu wuxuu haatan soo gaaray marxalad adag, iyadoo qeybintii tirada xildhibaannada ee beelaha Soomaaliyeed ay dhow dahay gebogebo.

Immisaa ilaa iyo hadda soo gudbisay?

Ilaa iyo hadda waxaa qeybinta xildhibaannadooda si rasmi ah u soo gudbiyey labo beelood, hase ahaatee waxaa hadda soo baxaysa in qeybinta ugu yaraan labo beelood oo kale ay waxoogaa dhibaatooyin ah ka jiraan.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah beelihii harsanaa ayaa qeybintooda loo gudbiyey guddigii xallinta khilaafaadka kuwaasoo iyagana ku dhawaaqay qeybin ilaa iyo hadda loogu yeeray mid rasmi ah, hase ahaatee, beelaha qaar gaar ahaan kuwa beelaha dirta Koofureed iyo qaar ka mid ah Dirta woqooyiba waxaa ka soo yeeraysa qeylo dhaan ku saabsan in aanay ku qanacsanayn sidii wax loo qeybiyey oo caddaaladda loo gefay.

Dhibaatada wax qeybsiga

Beelaha Daarood oo iyaguna ilaa shalay iyo ka horba lahaa shirar si ay u kala qeybsadaan tiradooda 61-da xubnood ee baarlamaanka ayaanan iyaguna ilaa iyo hadda wax natiijo ah ka gaarin shirarkoodii, waxayna hadda u muuqataa in ay xaajadooda geli doonaan isla guddiga xallinta khilaafaadka, waxaana la filayey in ay sidaasi dhacdo isla maantaba kaddib markii shirkii ugu dambeeyey ee beelaha Daarood uu guuldarro ku soo dhammaaday habeenkii xalay ahaa.

Gelinkii dambe ee maanta ilaa toddoba xubnood oo ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka ayaa fadhiyey xarunta Mbagathi iyagoo sugayey xubnahooda inta kale si ay u guda galaan qeybintaasi, waxaana ay ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan shirka Soomaalida, Bethuel Kiplagat, iyo qaar ka mid ah danjireyaasha beesha caalamkuba ay halkaasi ku sugnaayeen in la helo tiro wax go'aamin karta oo guddiga xallinta khilaafaadka ah si u ugu ansixiyaan in ay guda galaan amuurtaasi beelaha Daarood.

Ugu dambaynta waxaa la filayaa in qeybta kuraasta ee guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ay soo gebagabowdo beryaha soo socda, waxayna beelaha qaar durbaba billaabeen magacaabistii xildhibaannadooda, halka ay beelo kalena weli ku guda jiraan muujinta wax loogu yeero caddaalad darro laga galay beelahooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin