BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
24 Julaay, 2004, 14:58 GMT; 17:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Baandow lagu soo rogay magaalada Boosaaso
 

 
 
Hay'adaha ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray go'aan sheegaya in bandow lagu soo rogay magaalada Boosaso ka dib markii uu maamulku u arkay inay waayadan dambe magaaladaas ku soo kordhayaan dhibaatooyin la xiriira xagga ammaanka.

Warkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo aminiga ayaa muujinaya in la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadwaynaha ee magaalada Boosaso gaar ahaana xilliga habeenkii laga billaabo sagaalka fiidnimo ilaa aroortii.

Xoojinta amarka

Habeenkii Jimcaha ahaa waxa waddooyinka magaalada oo dhan lagu arkayay ciidamo ka tirsan boliiska magaalada oo aad u hubaysan kuwaasoo u muuqda in loogu tala galay inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo jebisa go'aanka la xiriira bandowga la soo rogay.

Bandowgan oo habeenkii xlaay ahaa billowday ayaa waxa uu socon doonaa muddo shan maalmood ah, mar aan la xiriiray qaar ka mid ah dadwaynaha magaalada Bosaso waxay ii sheegeen in qorshahan bandowgu uu xalay si rasmi ah uga dhaqangalay magaalada socodka dadkuna uu aad u yaraaday.

Baadi goob dembiileyaal

Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland G/le Sare Nuur Muuse Cali oo aan arrintan wax ka waydiyay ayaa sheegay in ujeeddada bandowgu ay tahay in lagu xasiliyo ammaanka magaalada iyadoo ciidanka boliisku uu muddadaas wadi doono hawlgalo uu ku baadi goobayo dad lagu tuhunsan yahay inay dembiyo galeen.

Saraakiisha ammaanku waxay kaloo sheegayaan in sababta ugu wayn ee haatan keentay bandowgu ay tahay amaanka magaalada oo aad u soo xumaanaya iyadoo magaalada gudaheeda dil iyo dhaawacyo loogu gaystay dad kala duwan, iyo falalka noocaas ah oo noqday kuwo isa soo taraya bilihii ugu dambeeyay

Fal-dembiyeedyada dhacay

Saddexdii maalmood ee ugu dambaysay waxa magaalada Bosaso lagu dilay hal qof iyadoo lagu dhaawacay shan qof oo kale, bishii aynu soo dhaafnay ayaa bartamaha magaalada Bosaso waxa isagana toogasho lagu dilay duqii magaalada iyadoo weerarkaas dhaawac iyo dhimashaba ay ka soo gaartay masuuliyiin kale.

Nabadgelya xumada ka taagan Bosaso waxa loo aanaynayaa inay ka soo jeeddo xurguf u dhaxaysa qaar ka mid ah beelaha gobolka, dadwaynaha magaalada intiisa badan waxa uu rumaysan yahay in dadka qalalaasaha ka wada magaalada ay yihiin kuwo faraha lagu tirin karo laakiin iyadoo ay sidaa tahay aan waxba laga qaban.

Dadaalka socda iyo mira-dhal la'aanta

Mar aan waydiyay taliyaha Boliiska Puntland, Nuur Salaad, sababta uu ciidanka Boliisku gacanta ugu dhigi waayay dadka khal-khalka ku haya ammaanka magaalada waxa uu sheegay in ciidanka Boliisku uu baartiaan ka wado arrimahaas uuna ku raadjoogo cid kastoo lug ku yeelata nabadgelyo-xumada taagan.

Waxa kaloo uuu sheegay taliyaha Boliisku in la aqoonsaday dadkii gaystay dilkii duqii hore ee magaalada Boosaso laakiin aan weli gacanta lagu dhigin lana rajaynayo in dhaqso loo qabto, sidoo kale waxa uu intaa ku daray taliyuhu in ciidamada Boliisku ay qabteen nin dablay ah oo habeenkii xalay ahaa dad ku dhaawacay magaalada.

Wada shaqeynta ciidanka iyo dadweynaha

Saraakiisha ammaanku waxay ka cabanayaan in magaalada Boosaso ay aad u ballaaratay isla markaana ciidamada amaanku aysan wada shaqayn fiican ka haysan dhinaca dadwaynaha mararka qaarkoodna ayba dhacdo in qaar ka mid ah dadwaynaha ay gacan siinayaan dadka dembiyada loo haysto.

Si kastaba ha noqotee magaalada Boosaso oo lagu tilmaamo xarunta ganacsi ee gobollada Puntland waxa ku nool dadwayne aad u tira badan oo marka aad la sheekaysato uu ka muqdo walwal xoog leh oo laga qabo inay arrintu faraha ka bixi karto haddii aan dhaqso loo dabaqaban.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin