BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Annan oo ballan-gal ka heley Sudan
 
Kofi Annan iyo xaalka Darfur
Annan ayaa dadaal weyn u galey joojinta rabshadaha Darfur
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan laba maalmood ayuu galshey booqshooyin uu ku soo arkey dadka qaxootiga ku noqdey rabshadaha ka dhacey Darfur, ka hor intii aanu wadahadalada la yeelan Madexweynaha Sudan.

Mr Annan waxa uu sheegey in Madexweyne Bashir uu ballanqaadey in maxkamad la soo taagi doono kuwa ka masuulka ka ah tacadiga iyo meel ka dhaca ballaaran ee ka dahacey Darfur oo dadka waxyeeladu gaareen mag la siin doono.

Dowladda Sudan waxa lagu eedeenayaa iney iyadu hubeyso maleeshiyada carabta, si ay u jabiyaan fallaagada dowladda uga kacsan Darfur ee dalbanaya in loo kordhiyo xuquuqda ay heystaan.

Dowladda Sudan waxa ay sheegeysaa in Maleeshiyadaasi ay dowladda ka madaxbannaantahy oo aysan dowladu shaqo ku laheyn.

Kofi Annan

Xoghayaha Guud ee QM, cambaareyn gooniya kama aanu sameyn dilka ka dhacey Darfur, laakiin waxa uu sheegey iney qasabtahay in weeraradaasi ay joogsadaan.

Kofi Annan oo ku hadlayey magaca QM fariintiisu wey iska caddeyd. Waxana ay ahayd rabshaduhu waa iney joogsadaan. Maliishiyada carbeed ee Janjaweed waa in hubka laga dhigo, dhammaan kooxuhuna waa iney ixtiraamaan heshiiska xabad joojintana ee la wada galey.

Qaxootiga ka barakacey Darfur ayaa Xoghayaha Guud uga sheekeeyey sida ay maleeshiyadu u weerartey tuulooyinkoodii ooy bambooyinka ula dhacdey, halkaas oo maleeshiyadu ku geysatey dil iyo kufsi badan, guryo aan tira laheynna ku gubtey. Waxa qaxootigu u sheegeen Mr Annan iney weli halis ku jirto ku noqoshada Darfur.

Labada xero ee qaxootiga ee uu Kofi Annan booqdey waxa ay cunto iyo gabbaadba ka helaan kooxaha gargaarka, laakiin waxa wararku sheegayaan in dowladda Sudan ay hey'adaha samafalka ku adkeysey galintaanka gobolkaas.

Xoghahaya Guud waxa uu sheegey in madexweyne Bashir uu ku celshey ballanqaadkiisii ahaa in gargaarka aadaminimo loo sahli doono inuu gaaro aaggaas.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha QM waxa ay carbaka ku dhajiyeen in xeryo ku jiristo aysan qaxootiga u ahayn xalka wakhtiga dheer.

Sarkaal ka tirsan QM ayaa sheegey in iyadoo xaaldda dhabta ah ee Darfur ay u baahantahey ay tahay xal siyaasadeed haddana QM ay boogta dhayeeyso.

Wadahadalada ku saabsan Darfur ayaa sii soconaya, iyadoo Mdexweynaha Midowga Afrika Alpha Oumar Konare laga soo xigtey inuu yiri wadahadalada u dhaxeeya dhinacyada Darfur isku haya waxa ay bishan dhammaadkeeda lagu qaban doonaa Addis Ababa.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin