|
Shirka wasiirrada IGAD ee arrimaha Soomaalida | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Shirkan oo hadda uun furmay ayaa looga hadlayaa bal in la iska wareysto wixii u qabsoomay shirka Soomaalida ilaa markii isugu war dambeysay wasiirradan IGAD oo ahayd lixdii bishii hore. Shirkani waxaa furay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Colozo Misioka, oo guddoomiya wasiirrada IGAD ee fududeynta shirka Soomaalida, wuxuuna sheegay in guddigooda wasiirradu aanay waxba hagranaynin si ay u xaqiijiyaan habka nabadda uu si guul leh ku sii socdo isla markaana uu soo gebageboobo dhammaadka bisha soo socota ee July oo dowlad Soomaaliyeed ay dhisan tahay marka xilligaasi ka gaaro. Go'aanka Colonzo Misoka wuxuu sheegay in ay caddeynayaan in aanu go'aankoodaasi ka noqod lahayn isla markaana aanay oggolaaneynin in habka nabadda ee Soomaaliya ay afduub ku haystaan hoggaamiyeyaal fara ku tiris oo aanan dan ka lahayn nabadda waa sida uu hadalka u dhigaye. "Mar haddii aan haysanno tirada intii ugu badnayd ee loo baahnaa, hore ayaan u soconaynaa si aan hadafkeenna u gaarno," ayuu yiri isagoo intaasi ku daray in shirkan wasiirrada IGAD-na ay doonayaan in ay go'aan kaga gaaraan waxa uu noqonayo mustaqbalka hoggaamiyeyaasha weli maqan haddii aanay ku imaanin waqtiga. Warqad qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Colonzo Misioka ku sheegay in ay sameeyeen waqti xadeysan oo inkastoo ay jiraan caqabado haddana uu sheegay in shirka uu ku soo gebageboobayo waqtigii loo qabtay, sidaasi darteedna hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayuu yiri waa in ay muujiyaan waddaninimo ay dadkooda dhibaatada uga kor qaadaan kana faa'ideystaan taageerada beesha caalamka oo hadda u diyaar ah Soomaaliya. Shir albaabbadu u xiran yihiin Shirkan oo markii dambe dibadda looga soo saaray saxaafadda ayaa sidoo kale looga dhawaaqay in wasiirrada IGAD ay tegi doonaan Addis Ababa, halkaasoo ay kula kulmi doonaan Midowga Afria oo uu sheegay in ajendaha ugu sarreeya ee golaha ammaanka ee Afrika ay Soomaaliya tahay, dabadeedna ay u gudbi doonaan Qaramada Midoobay. Shirkaasi Soomaalida dhibaatooyinka haysta ayaa sidoo kale laga dhawaajiyey in ay ka mid tahay dhaqaale-darri, waxaana loogu baaqay waddamada deeqda bixiya in ay lacag la soo gaaraan shirka si looga mira dhaliyo. Cabashada dadka qaar Dibadda goobta shirka waxaa buuxay Soomaali fara badan oo kulligood ka war sugayey waxa ka soo baxay shirka wasiirrada IGAD, qaar badan oo ka mid ahna waxay dibadda la joogeen waraaqo ay doonayaan in ay gaarsiiyaan madaxda shirka, kuwaasoo ay qaarkood kaga cabanayaan hubka ay qaar beeshooda ka tirsan u magacaabeen xubnihii guddiga khilaafaadka, shir guddoonka iyo xoghaynta, laakiin waxay hadda u muuqataa in sida hadalka loo dhigay la qaadan waxa ay dadka inta badan isku raacsan yihiin kaddib markii ay u muuqatay in lagu fashilmayo in la raadiyo wax la isku wada raacsan yahay. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||