|
Weriye lagu xiray magaalada Berbera | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sida uu ku soo warramayo weriyaha bbc-da ee magaalada Hargeysa, Axmed Saciid Cige, waxaa maanta oo Isniin ah lagu xiray magaalada Berbera weriyihii wargeyska Haatuf uga soo warramayey Berbera, Cabdiraxmaan Xaaji Daahir. Xariggaasi waxaa weriyahayaga u xaqiijiyay dad jooga Berbera iyo isagoo, waa weriyaha la xiray nafsaddiisee, ay u suurtagashay inuu telifoonkiisa gacanta kula hadlo BBC-da, isagoo noo sheegay inuu ku xiran yahay saldhiga booliska ee Berbera. Hadalka guddoomiyaha Haatuf Guddoomiyaha wargeysa Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa u sheegay BBC-da in weriyahooda Bebera ay boolisku u sheegeen in loo heysto war shalay lagu daabacay wargeyska oo weriyahooda Berbera ee xiran uu ku cabbiray dareenka dadka reer Berbera ee socdaalka madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo hadda jooga halkaasi. Wargeyska Haatuf wuxuu ku sheegay warkiisaasi shalay oo bogga hore ku daabacnaa in ujeeddada socdaalka madaxweyne Rayaale ee Berbera ay ka dhalatay waxoogaa ismaandhaaf ah oo u dhexeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin iyadoo sida uu sheegay wargeysku ku kala aragti ah arrin ku saabsan isbeddel lagu sameyn lahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee dowladda. Ilaa iyo hadda maamulku ma caddeyn waxa lagu xiray weriyahaasi Berbera ee wargeyska Haatuf. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||