BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Abriil, 2004, 17:42 GMT; 20:42 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Dagaallo Laas-Caanood Saameeyey
 
Axmed Siciid Cige

Wararka ka imaanaya magaalada Laas-Caanood ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan oo saddaxdii maalmood ee u danbeeyey ka socedey miyiga
laba beelood oo halkaasi wada dega uu ayaa Khamiistii saameeyay magaalada
Laas-Caanood.

Mar uu xafiiska BB-da ee Hargeysa uu la xidhiidhey magaalada Laas-Caanood ayay dad goob joog ahi, BBC-da u sheegeen in subaxnimadii Khamiista ay haweenay ku dhimatay rasaas ay isku weydaarsadeen magaalada Laas-Caanood gudaheeda dabley ka tirsan labadaa beelood ee iska soo horjeeday.

Iska hor imaadkan hubeysan oo ka bilaabmay Salaasadii, tuulada la yidhaahdo DABA-TAAG oo 60km, koonfur ka xigta magaalada Laas-Caanood, waxa warar xog ogfaal ahi BBC-da u sheegeen in halkaas ay lix ruux ku dhimatey.

Waxa kale oo wararku sheegeen in dagaaladan ay ku dhaawacmeen ilaa sagaal qof. Ilaa iminka lama yaqaan sababta dhalisey dagaalada Laas-Caanood.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin