BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 Abriil, 2004, 23:36 GMT; 02:36 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo gubtay
 

 
 
Suuqa Bakaaraha oo gubanaya
Qeybaha dharka ee suuqa Bakaaraha ayaa gubtay
Sida ay warihaha BBCda ee Magaalada Muqdisho , Farxiya Cali Qaajo ku soo warantay, waxaa uu dab qabsaday suuqa weyn ee bakaaraha, Caawa oo Jimca ah markii Saacada Muqdisho ay aheyd Sideedii Fiidnimo.

Sida ay sheegtay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho, afar qof ayaa ku dhintay dabka, tiro kalena waa ay ku dhaawacantay.

Wararku waxay intaa ku dareen in Suuqa uu gubanayay dhowr saacadood, dabkuna uu geystay khasaare aan ilaa iyo hadda aan la garaneyn qiimihiisa lacageed.

Sababta dabka dhalilay lama yaqaano, maha aha markii ugu horeysay ee Suuqa Bakaaruhu uu gubto. Dhowr goor oo hore ayaa uu suuqa gubtay, markii ugu danbeysay ee uu gubtanay dabku waxaa uu ka bilowday goob lagu gadi jiray shidaalka.

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu waa suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaasna dad badan oo ganacsato ah ay noloshooda ku tiirsan tahay.

Waxaana suuqaa lagu iibiyaa badeecooyin nooc walbaha laga bilaabo cunadda la cuno ilaa qalabka guryaha lagu dhisto.

Warar dabka oo faahfaahsan waxaa ku maqli doontaa idaacadda duurnimo ee BBCda ee barito oo Axad ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin