|
Shaqaale samafal oo lagu weeraray daafaha Hargeisa | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeisa, ayaa sheegaya in gabar u dhalatay dalka Kenya ay ku dhimatay, nin Jarmal ahba uu dhaawac soo gaaray mar maanta dabley wadatay baabuur ay rasaas ku fureen gaari ay ku safrayeen labadaasi ruux jidka xiriiriya Hargeisa iyo berber. Labadaasi ruux, waxay u shaqaynayeen hay'ad Jarmal ah oo la yiraahdo GTZ. Sida goor dhowayd ay noo soo sheegtay weriyahayaga Hargeysa Shaadiya Maxamed Rooble, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, Ismaaciil Adan Cismaan, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu ku caddeeyay dhimashada gabar Kenyan ah iyo dhaawaca nin Jarmal ah. Wuxuu sheegay wasiirku in nimanka dableyda ah ee falkaasi gaystay oo dhammaa shan qof sadex ka mid ah iyagoo dhaawac ah hadda ay ciidamadu soo qabteen iyo gaarigii ay wateenba, iyadoo laga soo qabtay tuulada Dhoqoshi ee Bariga Burco. Wuxuu kaloo sheegay wasiirku in askari ilaalinayay shaqaalahaasi gargaarka oo ay dablaydu ku qaadatay baabuurkooda isagoo dhaawac haatan laga reebay. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||