|
Kenya oo tixgalin siineysa qaxootiga | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cabdirazaaq Xaaji Catoosh - BBCSomali. com Dowladda dalka Kenya ayaa Waxa ay sheegtay in dhowaan la meel marin doono tixgalin la siin doono qaxootiga ku dhaqan dalka Kenya. Awori Warkan isaga ah waxaa shaaca ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Kenya Moody Awori isla markaasina ah wasiirka arimaha gudaha. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in haddii sharcigan uu baarlamaanka meel mariyo ay taasi markaasi u sahli doonto qaxootiga ku nool dalkan Kenya inay shaqaysan karaan isla mar ahaantaasina ay heli doonaan daryeelo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo caafimaadka. Waxa Awori uu sheegay in sharcigan dhowaan la horgayn doono baarlamaanka isagoo sheegay in amuurtan ay qayb ka tahay balanqaadyadii ay dowlada Narck ee wax ka qabadka xaga dhibaatooyinka bani'aadamka. Qaxootiga Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay Kenya xakameyn karin qaxootiga gaaraya 230 kun ee ku nool dalkan Kenya. Waxa uu intaasi raaciyey oo uu yiri waxaa hubaal ah dadaalka lagu dhisayo nabadda ee wadamada dagaaladu ay ka jiraan iyo dadaalka beesha caalamka ee daymaha loo dhaafayo inay wax ka tarayso nolosha qaxootiga, Sudan & Somalia Moody Awori waxa uu ka waramay oo uu soo qaatay horumarka laga gaaray arinta Sudan . Waxa uu sidoo kale ka waramay arinta Soomaliya oo uu sheegay in dadaalka ay samaynayaan hogaamiyayaasha kooxaha Soomalida si loo helo dowlada sharci ah oo mustaqbalka ay soomaliya yeelato ay tahay arin amaan mudan, Dalka kenya waxaa ku nool boqolaal kun oo qaxooti oo intooda badan ka soo qaxay dalka Soomaliya inkstoo ay ku waheliyaan suudaaniis, Itoobiyaan Ugaandhiis iyo Ereteeriyaan. Xeryaha ay qaxootiga ugu badan ay ku jiraan waxa ay ku yaalaan gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ee Soomalidu degto oo ay ku jiraan qaxooti gaaraya ilaa 130 kun oo qof. Qaxootigaasi qaarkood waxay wadanka Kenya joogeen ilaa dhowr iyo tobon sano. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||