|
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Iran: Tirada geerida oo ku dhow 50,000
Saraakiisha gobolka dhulgariirku gilgiley ee Iran ayaa sheegey in laga yaabo in dhimashadu ay gaarto 50,000 oo qof. Qabuure ku yaalla magaalada Bam duleedkeeda oo dad badan isku meel lagu wada aasayo ayaa weli lagu sii wadaa meydkii halkaas lagu gurayey. Meydkasta inta lagu qoro lambar gaar ah ayaa lambarkaas buug lagu diiwaan galinyaan, sawirna laga qaadayaa inta aan la aasin, si hadhow ay ehelada iyo dadka jecel qofkaasi u aqoonsadaan halka uu meydkaas lagu aasey. Wax qabad fiican ayaa laga muujiyey sidii degdegga lahayd ee dadkaa tirada badan loogu aasey dhulka busta badan ee qabuuraha ka dambeeya. Waxa magaalada ku wareegaya Cagaf-Cagfyo oo weli xaaqaya burbur badan iyagoo intaas helaya meydad cusub. Shaqaalihii gargaarka ee markii dhulgariirku dhacey saacado gudahood Iran lagu keeney ayaa haatan sii baxaya. Sahaqada weyn ee wax ka qabashada u baahini waa sidii loo daryeeli lahaa dadka gurya la'aantu ku dhacdey. Dad gaaraya ilaa 100,000 oo qof ayaa haatan ku nool teendhooyin dhexdood. iyadoo qaar yarna ay kubeertooyin kaliya heystaan oo ay ku nool yihiin rooti ama kibis, biyo yar iyo dawooyin aan badneyn. Tobannaan kun oo qof oo ku dhaawacmey dhulgariirkan ayaa lagu daweeyey Isbirtaalada dalka ku kala teedsan. Iyadoo ay weli gargaarkii bannaanka uga soo degayey uu dalka ku soo gurmayo ayeey masuuliinta Iran wacad ku qaadeen iney dib u dhisi doonaan, magaaladooda taariikhiga ah ee burburtey. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||