|
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Beesha caalamka iyo IGAD oo kulmay Ridwaan Xaaji Cabdiweli - Nairobi Mbagathi ayaa waxaa shir dhowr saacadood qaatay ku yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka iyo guddiga fududaynta ee IGAD si ay uga hadlaan go'aanada cusub ee ay isla meel dhigeen Madaxwaynaha Uganda, Yuweri Musaveni iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya, Kalonzo Musyoka, ee ku saabsan kulanka hoggaamiyayaasha Soomaalida ee 9ka January ee 2004.
Labada dhinac waxay aad uga doodeen qorshaha la damacsan yahay in dhamaan hogaamiyayaasha shirka ka maqan ee uu ka mid yahay Madaxwaynaha dawladda ku meel gaarka ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Gudoomiyaha Golaha samata bixinta, Muusa Suudi Yalaxoow. Xubnaha beesha caalamku waxay qabaan in tiradda hoggaamiyayaasha shirka laga marti qaadayaa ay noqoto 42 hoggaamiye inkastoo kooxaha ku sugan shirka arintaasi ay ka biya diideen oo ay ku adkaysanayaan in kulankaas ay ka qayb galaan 25 hogaamiye oo kaliya. Kulanka beesha caalamka iyo IGAD markii la soo gaba gabeeyay ayaa hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay ku kala qaybsameen in ay la kulmaan Danjire Kiplagat iyo in kale. Qaarkood waxay ku eedeeyeen inuu shirka carqaladeynayo. Hoggaamiyayaashaas waxaa ka mid ah Maxamed Qanyare Afrax, Mowliid Macaane, Cumar-Finish, Maxamed Siciid Morgan. Markaa waxaa khasab noqotay in shirkooda loo qabto madal kale oo aan wali la cayimin. Dhinaca kale waxaa Talaadadii gaaray magaalada Jowhar wafdi uu hogaaminayo Maxamed-Dheere oo ay weheliyaan Cabdicasiis Sheekh Yusuf-Direed, Maxamud Sayid Aden iyo labo wakiil oo ka socda Sheekh Aden-Madoobe iyo General Moorgan. Waxay sheegeen in ay booqasho u tageen Jowhar oo ay dib ugu soo noqon doonaan shirka. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||