BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 13.11.2003 - 05:45 Wakhtiga London
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Waxa Mareykanku uu mucaaradka ku qaadey weeraro lagu muujinayo awoodda Mareykanka.
Waxa Mareykanku uu mucaaradka ku qaadey weeraro lagu muujinayo awoodda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegey inuu duqeeyey goobo ku yaal hareeraha Baqdaad, taas oo qeyb ka ah hawlgallo lagula dagaalamayo mucaaradka Ciraaq.

Sida laga soo xigtey ciidamada Mareykanku waxa la qaadey laba weerar oo qeyb ka ah hawlgal uu Mareykanku ugu magacdarey Dubbihii Birta.

Waxa Mareykanku sheegey in weeraradaas mid ka mid ah ay ciidamada cagtu ay ku dabagaleen baabuur nooca caasiga ah oo looga shakiyey inuu hoobiye ku soo ridey ciidamada Isbaheysiga.

Ka dibna waxa baabuurkaas lagu weerarey Helikobter nooca la yiraa Apecha ee qoryuhu ku rakibanyihiin.

Waxa Mareykanku sheegeen in hawlgalkaas koobaad natiijadiisu noqotey laba qof oo dhintey, saddex dhaawac ah iyo shan qof oo la qabtey.

Markaas ka dib ayaa weerarkiin labaad ay dayuuradda nooca la yiraa AC-130 oo qoryuhu ku rakibanyihiin oo gaadiidna loo isticmaalo, socodkeeduna uu gaabiyo ay weerar ku qaaddey makhaasin laga kala tagey oo lagu tuhmey in loo isticmaalo in lagu qorsheeyo oo laga soo qaado dagaalada lidka ku ah ciidamada Isbaheysiga.

Tallaabooyinkani uu Mareykanku ku dhaqaaqey waxa ay mar kale xaqiijinayaan in ciidamada Mareykanku ay mar kale soo bandihayaan awooddooda dhulka iyo cirkaba ee in looga hortago Ciraaqiyiinta ka soo horjeeda ciidamada sbaheysiga.

Wax u muuqda dagaal ku saleysan aragti ay labada dhinac iska qabaan, ayeey hogaamiyayaasha ciidamada Mareykanku rajeenayaan in muruq-tusaaleyntan sareysa ay ku qancaan Ciraaqiyiinta ka shaki qaba laxaadka iyo awoodda Mareykanku leeyahay.

Warbixin ay CIA-du soo saartey oo si qarsoodi ah saxaafadda loogu gudbiyey ayaa sheegeysa in muruqtusaaleynta noocaas ah ay leedahay khatarteeda oo ay suurtgal tahay in ay sii kordhiso xanaaqa ay qabaan Ciraaqiyiiinta ka soo horjeeda ciidamada Isbaheysiga.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.