BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 13.11.2003 - 06:00 Wakhtiga London
Iran oo Nuclear lagu waayey
Sarkaal sare oo Mareykanka oo diidey go'aanka ay IAEA ku sheegtey in Iran aysan heysan hubka Nuclear-ka.
Sarkaal sare oo Mareykanka oo diidey go'aanka ay IAEA ku sheegtey in Iran aysan heysan hubka Nuclear-ka.

Sarkaal sare oo Mareykana ayaa si toos ah uga soo hor jeestey warbixin ay hey'adda IAEA ku sheegtey in Iran aysan wadin barnaamij Nuclear ah.

Mr John Bolton oo ah sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa hadal uu jeediyey ku sheegey in wax suurtagal ah oo la rumeeyn karo aysan ahayn gunaanadka warbixinta ay hey'adda caalamiga ee quwadda Atoomikada ee IAEA ay ku sheegtey in Iran aysan ku raad taagneyn sameysashada hubka Nuclear.

Mr Bolton oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka u qaaabilsan ilaalinta hubka, ayaa sheegey in hadalka IAEA uu soo baxey iyadoo ay jiraan cadeymo lagu hayo Iran.

Waxa uu Mr Bolton yiri, inkiraadda, khayaamada iyo xad-gudbyada ay Iran waddey mudada gaareysa 18 sano waa kuwa ka soo horjeeda waxa lagu hayo.

Ninka faaladani soo qorey waxa uu leeyahay, luqada uu ka hadley Mr Bolton ma ahin mid diblomaasiyeed, waxana uu inyer u jirsadey inuu si toos ah u dhaleeceeyo madaxa hey'adda IAEA, Mr Mohamed el- Baradei.

Warbixinta hey'adda IAEA oo la filayo in la shaaciyo ama la faafiyo todobaadka soo socda ayaa madaxda Iraniyiinta ka soo xigatey iney qirteen iney sameysteen xoogaha yar oo maadada loo yaqaanno Plutonium-ka iyo mid ah Urinium tanaada oo intaba ay Iran ku sheegtey iney lahaayeen ujeedooyin nabad leh.

Warbixintani, inkastoo ay Iran kala talisey, ugana digtey ineysan wax qarsanin, haddana waxa ay cadeysey in waxa Iran laga heley aysan u muuqan waxyaabo ku xiriira Barnaamij laga sameenayo hub Nuclear ah.

Hadalka Mr Bolton waxa uu tusmeenayaa in Mareykanku diyaar u ayahay inuu ka soo horjeesto hey'adda IAEA oo uu la yimaadda gunaanad kaas ka duwan.

Mr Bolton waxa uu doonayaa in Iran uu kula loolamo Golaha Ammaanka ee QM, halka qaar kale oo ay ku jiraan Midowga Yurub ay doorbidayaan in mowduucan lagu xaliyo diblomaasiyad.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.