| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 13.11.2003 - 12:22 Wakhtiga London
China ayaa ku dhawaaqdey in ay Mareykanka la gashey heshiis ay waxyaabo badan kaga iibsaneyso Mareykanka. Mr Zhang Guobao oo Wasiir ku Xigeen ka ah Wasaaradda Horumarinta iyo dib u habeyn ahna sarkaal sare oo dowladda u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha ayaa booqoasho todobaad ah ku tagey Mareykanka. Mr Zhang Guobao ayaa booqashadiisa lagu fasirey wax iibsi si weyn ugu janjeerta dhinacasiyaasadda. Mr Zhang waxa uu hogaaminayey wafdiga China ee saxiixey heshiiska weyn ee China ay Mareykanka uga iibsaneyso 30 dayuuradaha Boeing-ka ah. Saddexda shirkadood ee waaweyn ee baabuurta u sameysa Mareykanaka ayaa iyaguna sheegey in sanooyinka yar ee soo socda ay China u iib geyn doonan baabuur aad u badan oo ay ku jiraan 'Cadillac'. Waxa kale oo China ay Mareykanka ka iibsan doontaa qamaddi, cutub ama suuf iyo sisin. Dowladda China waxa ay si weyn ula socotaa in xiriirka ganacsi ee ay la leeyihiin Mareykanka ee soo kordhaya uu Mareykanka ka noqonayo mowduuc siyaasadeed oo soo saa'idaya iyadoo ololaqha doorashada Madaxweyninimada Mareykankuna ay sii culaaneyso. Waxa dowladda Mareykanku ay rajeeneysaa in alaabta badan ee China ka iibsaneyso Mareykanka dartood ay sumcadda uu maamulka Bush ka helayo Mareykanka gudihiisa ay kor u kacdo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |