|
|
 |
 Arbaca, 12.11.2003 - 15:07 Wakhtiga London
 |
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
|
Qarax xoog badan, ayaa ka dhacay Koonfurta dalka iraq saldhig ay ku lahaayeen booliiska military-ga ah ee Talyaaniga.
Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, ayaa cadeeyay in ilaa laba iyo toabn qof, oo isugu jira sagaal booliiska military-ga ah iyo sadex askari ay ku dhinteen qaraxan oo ka dhacay xarunta Talyaaniga ee magaalada Nasiriya.
Afhayeen u hadlay boliiska military-ga ah ee Talyaaniga, ayaa sheegay in bomb uu ku hor qarxay xarunta ay ku lahaayeen magaalada Nasiriyah, iyadoo uu wax gaarsiiyay Talyaani iyo Ciraaqiyiinba.
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah Booliiska ay ku xaniban yihiin burburka hoostiisa.
Talyaaniga, waxaa Iraq ka jooga ilaa laba kun oo askari oo ka mid ah isbahaysiga uu Maraykanku hogaaminayo.
Weriyaha BBC-da uga soo waramaya Iraq, ayaa sheegay in Nasiriyah oo Talyaanigu intooda badan joogaan ay deganayd tan iyo markii Bush uu ku dhawaaqay in dagaalku uu dhamaaday bishii May.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in dhacdooyinka ugu dambeeyay ay muujinayaan kacdoon cusub oo weeraro ah oo ka dhacay koonfurta Iraq.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|