|
|
 |
 Talaado, 11.11.2003 - 11:07 Wakhtiga London
 |
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar 
IAEA ayaa sheegtey in Iran ay qiratey iney heysato maadada Plotunium oo laga sameeyo Nuclear-ka. |
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa kordhiyey weerarka uu maamulka Bush ku hayo dowladda Iran, isagoo sheegey in wadaaddada dalkaasi ay Islaamka ku soo dhex jiideen boholo siyaasadeed.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dowladda Iran waxay u qiratay hay'adda quwadda atoomikada caalamiga ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo IAEA in ay haysato xaddi yar oo Plutonium ah, taasoo ah wax ay hore u diidi jirtay dowladda Iran in ay haysato. Reuters waxay kaloo sheegtay in dowladda Iran ay sidoo kale dhisaysay warshad macdanta yuraniyamka nafaqaysa oo laser ku shaqeysa oo ay ka qarin jirtay baareyaasha Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay.
Warbixinnadani, waa haddii la xaqiijiyee, waxa ay wax ku kordhinayaan dareenka Washington ee ah in aan la aaminin dowladda Iran, sidaasi darteedna heshiis kasta oo loola jeedo in looga hortago in ay Tehraan dhisato warshado hubka Nukliyeerka soo saarta loo baahan in si xoog leh loo ilaaliyo.
Warka ku saabsan in ay dhici kartay in Iran ay horeba ugu fogaatay waddada helitaanka hubka Nukliyeerka in ka badan intii hore loo qiray ayaa waxay si aanan lagu tashan ugu soo beegantay iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykan, Collin Powell, uu mar kale weerar xagga afka ah ku qaaday Tehraan. Wadaaddada reer Iiraan, ayuu yiri Collin Powell, waxay diinta Islaamka ku soo dhex jiideen boholaha siyaasadda. Dadka reer Iran, ayuu yiri, waxay rabaan xorriyaddooda in ay dib u hantaan.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|