| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 10.11.2003 - 10:49 Wakhtiga London
Afhayeenka dowladda Sri Lanka G. L. Peiris ayaa sheegey in Ra'iisalwasaare Ranil Wickremesinghe uu diyaar u yahay inuu doorashooyin la qabto wakhti kasta oo la doono. Waxa uu Afhayeenku sheegey in mudanayaasha baaralamanka intooda badan ay taageero u muujiyeen Ra'iisalwasaaraha, waxana uu intaas ku darey, in Golaha Wasiiradu ay Ra'iisalwasaaraha ku ayideen fikradda ah in hawlaha la xiriira geeddi socodka nabadda ay Madaxweynahu la wareegto. Mowqifka uu Ra'iisalwasaaruhu taaganyahay waxa uu yahay inuusan wadaxaajood la gali karin jabhadda Tamil Tigers isagoo aan xukumin wasaaradaha arinkani uu saameeyi sida gaashaandhigga oo kale oo haweeneyda Madexweynaha ka ah dalka Ms Kumuratunga ay dhawaan awooddiisii la wareegtey. Afhayeenka dowladda G. L. Peiris ayaa saxaafadda u sheegey intii mashaakilada siyaasadeed aysan dalka ka bilaabmin in jabhadda Tamil Tigers ay muujiyeen in doonayaan in wada xaajoodka ay dib u bilaabaan dhabayaaqada bishan November. Dhab ahaantii buu yiri afhayeenku, dhexdhexaadiyaasha Norwijiyanka ee ku dhex jira arimaha Sri Lanka ayaa todobaadkan imaanaya Sri Lanka. Ujeedadooda koobaad waxa ay tahay in la sii xaliyo oo la isla meel dhigo hawlaha uu u baahan yahay shirku. Arimahaasi haatan cirka ayeey ku laalanyihiin, sababtoo ah Ra'isalwasaaraha oo markii hore dhinaca dowladda wakiil uga ahaa wadahadalada ayaa haatan sheegaya in inta aan wadahadalada lagu noqon waa in la kala ogaado cidda madaxda ka ah wadahadalada nabadda. Waxa iyaduna xiiso leh in afhayeenka dowladdu uu meel la soo taagan yahay in cid kasta oo wadaxaajoodka ku lug leh oo ay ku jiraa Tamil Tigers-ka iyo deeq-bixiyayaasha waaweyn ay ayidaan doorka cusub ee Madaxweynaha, haddii ay go'aansato iney qaadato masuuliyadda wadaxaajoodka. Waxa ay u egtahay in Ra'iisalwasaaruhu uu rajenayo in Tamil Tigers-kui ay isaga la soo saftaan oo ay diidaan iney la xaajoodaan haweeneyda dalka Madaxweynaha ka ah, Ms Kumaratunga oo isaga ay dagaalka siyaasadeed ka dhaxeeyaan. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |