BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 09.11.2003 - 17:28 Wakhtiga London
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey

Axmed Siciid Cige - BBCSomali.Com

Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed, jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo Somaliland ayaa bsihan November 8dii ku geeriyoodey magaalada London.

Allaha u naxariistee, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco, qiyaastii sida dad yaqaannay ay BBC-da u sheegeen, kun sagaal boqol iyo dhawr iyo labaatankii.

Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu magic dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waqtigaasi wuxuu ku aaddanaa 1943kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali arday ku fiicn waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirin kaalinta kowaad.

Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe ee sheekh wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku soo dhammeystay dugsi sare oo la yidhaahdo XANTUUB oo ku yaalla dalka Sudan, magaalada Khartuum.

Wuxuu kadib diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la yidhaahdo EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain. Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay.

Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ay u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha Gobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya, iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loo beddelay Khartuum.

Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .

Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta oo uu joogay ilaa iyo 1984kii, xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.

Cabraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.

May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay Somaliland muddo labo sano ah.

Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.

April 1994kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay isagoo markaa ahaa guddoomiyaha SNM inuu ka noqday mowqifkii goonni isutaagga Somaliland oo uu aaminsanyahay nidaamka Federaalka oo ay ku midoobaan woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya .

Wuxuu noqday Cabdiraxmaan Tuur waqtigaasi ka dib madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee dawladdii Salballaadh ee uu Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waqtigaasi wixii ka danbeeyay wuxuu marxuumku u badnaa magaalooyinka Muqdisho iyo London, hase ahaatee wuxuu Hargeysa yimid bishii April ee sannadkan 2003, markaasoo uu u ololeeyay sidii uu u soo
bixi lahaa doorashadii socotay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, kadibna wuxuu ku laabtay magaalada London oo uu ku geeriyooday 8dii November 2003.

Alla ha u naxariistee maydka marxuumka waxaa la keenayaa magaalada Hargeysa 13ka November 2003 oo si heer qaran ah loogu aasi doono.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.