|
|
 |
 Axad, 09.11.2003 - 04:57 Wakhtiga London
 |
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed 
Madaxda Falastiin ayaa ka shiraya sidii dowlad cusub ay u dhisan lahaayeen. |
Saraakiisha sare ee ururka Fatah ee Yasser Arafat ayaa ku shiraya Ramallah si ay uga wada xaajoodaan dhismaha dowlad cusub oo Falastiin leedahay.
Wakhtigan xaadirka ah siyaasadda Falastiin waxa ay ku jirtaa xaalad rabshduhu ay joogtu ku dhow yihiin. Muddo bil ah ayaa hogaamiyaha Falstiin iyo Ra'iisalwasaarihiisa cusub ay ka murmayeen cidda lagu darayo golaha wasiirada ee cusub.
Qodobka uu dhibka badan ka taagan yahay waa qofkii ay ka dhigi lahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha. Waa wasaarad muhiim ah, sababtu waxa ay tahay Wasiirka Arimaha Gudaha ayeey hoos imaanayaan ciidamada ammaanka ee Falstiin, kaas ayaana ah mowduuca sida dhabta ah u abaaraya iskudey kasta oo la doonayo in geedi socodkii nabadda lagu sii wado.
Yasser Arafat iyo Ahmed Qurei wey isku khilaafeen ninka laga dhigayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo awoodda u yeelan karo qofkaasi.
Haatan, ka dib markii ay shireen saraakiisha sare ee ururka Fatah, waxa ay sheegeen in horumar weyn laga gaarey arinkaas.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|