BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 09.11.2003 - 08:20 Wakhtiga London
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka

Farxiyo Cali Qaajo - BBCSomali.Com

Xaalad daganaasho ayaa dib ugu soo laabatay deegaanka xaramka, ka dib markii la soo afjaray qilaaf ka dhashay jid gooyo ay maliishiya ka sameysatey deegaankaas.

Sh. Xuseeen Maxamed Cumar oo ka mid ah waxgaradka Tuulada Xaramka ee degmada jilib ayaa isaga oo joga degmada Jilib BBC u sheegay qadka taleefoonka in uu dhamaaday khilaafkii ka taagna tuulda xaramka ee degmada jilib.

Isaga oo ku tilmaamay in khilaafkaas ay ka danbeeyeen dad fidna wadayaal ah oo ka soo horjeeda howlaha burcad sifaynta ah ee uu isbahaysiga Dooxada Juba ka wado halkaas, Sh.Xuseen wuxuu intaas raaciaya in dadka degan tuulada si rasmi ah u taageersan yihin howlaha burcad sifeenta ee ka socda halkaas.

Waxa kale uu Shi Xuseen isla markaana sheegay in maleeshiyooyinka tuulada Xaramka oo ka badan 500 lagu xareen doona xeroyin ku yaal degmada Jilib, si loo dhaqan celiyo.

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa ku sugan degmada Jilib si ay u dhamaystiraan qulqulatooyin ka jiray halkaas.

Korneel Cabdi Maxamed Yey oo ah ku simaha isbahaysiga Dooxada Juba ayaa sheegay in khilaafkii ka jiray tuulada Xaramka oo ahaa mid si xun loo tarjumay, hase yeeshe isbahaysigoodu uu dadaal wayn u galay sidii wax walba wada hadal loogu dhamayn lahaa.

Isagoo dhinaca kalene soo dhawayay dadaalka nabadoonka ah oo ay odayaashu ka wadaan degmada jilib.
Tulaada Xaramka ayaa todobaabkii la soo dhaafay waxaa ka jiray khilaaf ka dhashay maleshiyada deegaanka Xaramka kaas oo markii danbe sababay iska hor imaad hubaysan oo uu ku dhitay nin dirawal ka ahaa baaburada dadwaynaha, ka dib markii miino la galiyay jidka ay ku qaraxday, waxana halkaas ku geeriyoodey todob qof oo ka mid ah rakaabkii baabuurkaas saarnaa.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.