| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 07.11.2003 - 10:04 Wakhtiga London
Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadamaha ayaa Masar ugu baaqey iney baaritaan ku sameyso dad mudaaharaad dhigayey oo si xun loola dhaqmey, islamarkaana la jirdiley. Hay'adda u dagaalllanta xuquuqda aadanaha ee loo yaqaanno Human Rights Watch waxay leeyahay ciidamada ammaanka ee dalka Masar waxay u adeegsadeen awood dheeri ah mar-marna jir-dil dadkii dagaalka-diidka u mudaaharaaday bishii Maarso ee innaga tagtay. Billowgii dagaalkii ka dhanka ahaa dalka Ciraaq waxa uu kiciyey mudaaharaadyadii ugu xoogga badnaa ee sannado badan ka dhaca dalka Masar. Hay'adda Human Rights Watch waxay leedahay ciidamo dhar-caadi ah wata oo garruuman iyo biroba wata ayaa weeraray dadkii mudaaharaadayey waxayna xireen ilaa 800 oo qof. Kuwii loo arkayey in ay soo abaabuleen mudaaharaadka ayaa si gaar ah loola baxay oo tacaddi dheeri ah loo geystay intii ay xabsiga ku jireen. Warbixin ka kooban 40 bog ayey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku muujisay markhaatiyo laga soo ururiyey dadkii u dhaq-dhaqaaqayey dagaal-diidka oo indhaha laga xiray, la garaacay oo welibana mar-mar loogu hanjabay in loo geysanayo weerarro xagga jinsiga ah. Kooxdani waxay hadda doonaysaa in dowladda Masar ay dacwado dembiyo ku soo oogto dhammaan intii ku lug-lahayd tacaddigaasi la geystay. Waxaa kaloo ay kooxdani dalbanaysaa in magacda saraakiishii xagga ammaanka ee amartay amaba fulisay tacaddigaasi lagula kacay mudaaharaadayaashaasi shaaca laga qaado. Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay in abaalmarinteeda ugu weyn ee sannadkan ay heli doonto dhakhtaradda reer Masar ee la yiraahdo Aida Seif Al-Dawala, oo u dhaqdhaqaaqda diidmada tacaddiyada jir-dilka. Hawsheeda ayey kooxdani ku sheegtay in ay jebisay aamusnaantii laga aamusnaa tacaddiyada jir-dilka ee ka dhaca dalka Masar. Ururrada xuquuqda aadanaha ee waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ahba waxay ku eedeeyaan ciidamada ammaanka ee Masar in ay si ay farsamo ku jirto ugu jir-dilaan dadka saldhigyada booliska dhexdooda iyo xarumaha dadka lagu sii hayo ka hor intaanan la xukumin amaba sharciga la horgeynin. Waxay sheegeen in ugu yaraan ay 13 qof ay dhinteen tacaddiyada jir-dilka ee Masar ilaa bishii Maarso ee sannadkii hore. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |