| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 06.11.2003 - 11:46 Wakhtiga London
Waxaa saaka xarunta Mbagathi oo uu shirka kooxaha Soomaalidu ka soconayey ku geeriyooday mid ka mid ah ergadii ka qeybgelaysay shirka, kaasoo meydkiisa laga helay meel ku dhow halka raashinka lagu kariyo. Booliska dalka Kenya weli kama aysan hadlin sababaha ninka Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Axmed-Rashiid Shiikh Maxamed Aden uu u dhintey, mana ay soo hadal qaadin cid lagu tuhunsanyahay iyo sababaha uu ninkaas u dhintey ama loo diley. Jawiga xarunta Mbagathi ee shirarka kooxaha Soomaalida ayaa saaka ahaa mid ay tiiraanyo weyn ka muuqatay iyadoo ay masuuliyiinta Soomaaliyeed, kooxaha ajaaniibta ah ee ku hawlan shirka iyo booliska dalka Kenyaba ay ku xoonsanaayeen halkii uu yaallay meydka Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed Aadan. Meydka marxuumkaasi markii aan anigu saaka tegay halkaasi Mbagathi weli waxa uu yaallay bannaanka kushiinka wax loogu kariyo ergada Soomaaliyeed iyadoo lagu deday maro cad. Markii aan u dhowaaday meydkana waxaan arkay in uu dhiig ka ag-muuqday, taasoo igu dhalisay in aan ka qaado maradii ku dednayd wejiga marxuumka, waxaanan ku arkay in uu dhaawac aan weyneyn kaga yaallay cunaha dushiisa oo garkana ka hooseysa. Dadkii ka amakaagsanaa ee meesha joogay cidina war faah-faasan kama bixin karin sida ay wax u dheceen, laakiin waxay dadkaasi Soomaaliyeed isku raacsanaayeen in uu ahaa dil loola bareeray marxuumka. Maxamed Aadan Ibraahim oo loo yaqaanno Fargeeto oo ay isku qol seexanayeen marxuumka oo aan isagana halkaasi kula kulmay ayaa sheegay in ay soo wada saxuurteen isla markaana uu hadda uun ku soo baraarugay meydka saaxiibkiis. Maxamed Aadan Fargeeto oo ay murugo iyo caroba isku wehliyeen ayaa ku dooday in dilka Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed ay ka dambeeyeen dad uu ugu yeeray in ay ka soo horjeedaan in uu najaxo shirka Soomaalida. Maxamed Aadan Fargeeto waxa kaloo uu sheegay in aanu ogayn cadaw gaar ah oo uu ogyahay ama cid gaar ah oo uu khilaaf kala dhexeeyey marxuumka, hase yeeshee uu ka tirsanaa guddigii u xilsaarnaa dejinta dastuurka uu khilaafka weyn ka dhashay, waxana uu Fargeeto sheegay in uu dilkan argagax ku abuuray uuna hadda si weyn uga fiirsanayo ammaankiisa. Sidoo kale, masuuliyiin fara badan oo Soomaaliyeed ayaa dhammaantood ka dhawaajiyey sida ay uga xunyihiin geerida marxuumka iyo in ay hadda dareensan yihiin in aanu ammaankoodu sugnayn. Booliska dalka Kenya oo iyaguna goobta yimid ayaa markiiba billaabay baaritaan la xiriira dhimashada marxuumkan. Sidoo kale, James Kibooyi oo ah xiriiriyaha xagga diblomaasiyadda iyo siyaasadda oo la shaqeeya Danjire Bethuel Kiplagat oo isagana meesha joogay oo aan wax ka weydiiyey dhacdada ayaa ku gaabsaday in arrinta ay hadda booliska gacanta ku hayaan kana war sugayaan wixii ka soo baxa. Marxuumka Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee reer 'Canada' waxana ay da'diisu ahayd 38 jir. Waxaana isla markiiba meesha meydkiisu yaallay yimid saraakiil ka socotay safaaradda Canada ee Nairobi si ay wax uga ogaadaan xaaladda marxuumka. Waxaa kaloo meesha si weyn ugu soo xoomay dhammaan saxaafadda shisheeye iyo kuwa gudaha ee ku sugan Nairobi. Geerida marxuum Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed waxay shan ka dhigaysaa tirada ergooyinka Soomaaliyeed ee dhimatay intii uu socday shirka kooxaha Soomaalida ee dalka Kenya, marka laga soo billaabo Abukaato Raajis oo ku geeriyooday magaalada Eldoret sannadkii hore ilaa Sheekh Ibraahim oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ah oo bishii innaga tagtay lagu dilay magaalada Nairobi. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |