| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 27.10.2003 - 11:38 Wakhtiga London
Cabdirasaaq Xaaji Catoosh - BBCSomali.Com Richard iyo Enid Eyeington oo dhawaan lagu diley magaalada Shiikh ee dalka la magacbaxay Somaliland oo Jimcihii meydkooda loo duuliyey Briatain ayaa Isniintii ducu iyo xus loogu qabtey magaalada Nairobi. Xuskan isaga ah oo ay soo qabanaqaabisay hay'ada SOS oo ay macalimiintaasi u shaqaynayeen ayaa waxaa loogu talagaly in lagu xasuusto Richand Eyeington iyo xaaskisii Enid oo niman hubaysan ay ku dileen magaalda Shiikh. Waxaa si aad ah looga hadlay waxqabadkii macalinkaasi Richard oo saaxiibo badan oo yaqaanay ay Isniintii hadalo ka jeediyeen munaasabadii loo qabtay. Waxaa yimid qaraabadiisii eheladisii iyo asxaab badan oo mudo ay soo wada shaqaynayeen oo dhamaantood ka hadlay wax tarkii uu macalinkiisa ka gaystay Africa qaasatan Somaliland oo hada lagu dilay. Xuska waxaa kaloo yimid saraakiil ka socotay safaarada Britain ee Kenya oo iyagana ka hadlay sida ay uga xumaadeen dilka ninkaasi iyo xaaskiisa oo shaqo ka hayay iskuulka magaalada Shiikh. Andrew Moir oo sheegay in uu Richard bartay shan iyo labaatan sano ka hor ayaa ku tilmaamay nin mar walba jeclaa in uu wax ka baro wadan Africa ku yaala waxuuna intaasi raaciyay in dadkii uu wax barayay uu gacantooda ku dhinto. Sarkaal u hadlay hay'ada SOS ee ay labadaasi macalin u shaqaynayeen oo sarkaal ka socday uu isagana ka hadlay xuskaasi ayaa sheegay in dilka labadaasi qof la dilay aysan ku joojinaynin shaqadii iyo wax qabadkii ay dhulkaasi ka hayeen waxuuna intaasi raaciyay in uu si aad ah ugu faraxsana yahay in Somaliland ay xuska u soo dirto wasiirkii dhaqaalaha oo isagana ka qayb galay munaasabada lagu xusayay Richard Iyo marwadiisii. Waxa uuna sheegay madaxa hay'ada SOS in arinkaasi ay galisay kalsooni ah in ay soo wadaan howlahooda. Xuseen Cali Du'aale 'Cawil' wasiirka maaliyada ee Somaliland oo isagana qudbad gaaban ka jeediyay xuskaasi ayaa sheegay inay si weyn uga xun yihiin shilka ka dhacay magaalada Shiikh. Dadkii sida aadka u garanayayay labadaasi qof ee Shiikh lagu dilay ayaa waxa ay ubax dhigayeen masrax gaaban oo si xusuus ahaan loogu talagalay in loogu baroordiiqo Richard iyo afadisii Enid. Waxaa Goobta ay tacsidaasi xuska ahayd ka dhacaysay laga aqriyay waraaq tacsi ah oo uu soo diray maamaulaha iskuulkii uu macalinkaasi wax ka dhigayay ee Shiiq. Waxaana waraaqdaasi ay ka hadlaysay in ardayda, macalimiinta, iyo waalidiinta dugsiga Shiikh ay tacsidan la wadaagaan qoyska Richard ayna u baroordiiqayaan. Labada qof oo u dhashay dalka Britain waxaa niman hubaysan ay ku dileen magaalada Shiikh isbuucii hore waxayna wax ka dhigayeen iskuulka Shiikh oo hay'ada SOS ay maal galiso. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |