BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 27.10.2003 - 05:51 Wakhtiga London
Kenya: Muslimiin maxkamad la saarayo

Cabdiraxman Yabarow - BBCSomali.Com

Lix nin oo lagu xiriirshey iney ku lug lahaayeen qaraxii kal hore loo geestey hoteelka Paradise ee ku yaal magaalada Mombasa ee dalka Kenya aya maanta maxkamad la soo taagay laakiin markii dambe dacwadoodii dib loo dhigey ilaa bisha soo socota 21da.

Masuuliinta Kenya waxa waayadanba ku imaanayey cadaadis caalamiya oo looga doonayo iney soo helaan dadkii qorsheeyey ee isku dabaridey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaadey hoteelka Paradise oo Israa'iil ay lahayd.

Shan iyo toban qof ayaa qaraxaas ku dhintey oo 12 ay ahaayeen Kenyan, halka ay saddexda kalena ay ka ahaayeen Israa'iiliyiin. Waxa qaraxaas garab socdey oo isla maalintaas dahcey gantaallo lagu ridey dayuurad rakaabka qaadda oo ay leedahay Israa'iil oo markaas ka kaceysey garoonka dayuuradaha ee Mombasa oo gantaaklkaas lala waayey.

Lixda nin ee maanta maxkamaddooda mar kale dib loo dhigey waxa ay kala yihiin: Omar Said Omar, Salmin Mohamed Khamisi, aabe iyo wiilkiis oo kala ah Mohamed kuwa iyo Mohamed Kuwa Seif, Said Saggar Ahmed iyo Aboud Rogo Mohammed.

Dhammaan lixda eedeysane oo lagu eedeeyey iney qarsheen ama magan galyo siiyeen argagixisada al-Qaeda ayaa diidey iney qabaan dambiyada lagu eedeeyey.

Qareenka u hadley laba ka mid ah eedeysanayaashaas, Mr Maobe Mao ayaa sheegey ineysan jirin wax cadeyma ah oo la taaban karo oo raggaas lagu hayo, waxana uu Mr Mao intaas ku darey in Mareykanka uu yahay midka doonaya in raggaas maxkamad la saaro.

Sida Isniinta maantaba dhacdey, keeskan dhowr jeer oo hore ayaa dib loo dhigey, taasoo keentey shaki laga qabo ineysan dowladdu hayn cadeymo raggaas ku xiriirinaya falalka argagixiso ee lagu eedeeyey.

Laakiin, inkastoo shakiyo ay jiraan, dowladda Kenya waxa ay ku adkeysaneysaa in ilaa sanadkii na soo dhaafey ay soo ururisey cadeymo badan iyo markhaatiyaal oo dhammaantood si waadix ah u qeexi doona doorka uu eedeysane kasta ka qaatey hawlaha argagixisada ah ee lagu soo eedeeyey.

Waxa kale oo qareenada ka soo jeeda dhinaca xeer ilaaliyaha dowladdu ay sheegayaan iney hayaan cadeymo dhab ah oo dhowr ka mid ah eedeysnayaasha ku xiriirinaya al-Qaeda.

Sida laga soo xigtey xeer ilaaliyaha dawcwooyinkan qaadaya, Mr John Gachivi, waxa ay dowladdu qorsheeneysaa in dacwadan lagu bilaabo 10 markhaati oo todobaad la dhageysto, iyadoo ay maxkamada socodkeedu ku xirnaan doono hadba sida loo helo garsooryaaal dacwadan dhageysta. Waxana laga yaaba in keeskani uu socda ilaa dhowr bilood.

Si kastaba ha ahaatee, lama hubo in kooxda xeer ilaalintu ay dacwooyinkan ku heli doonaan raggan ay soo xir-xireen, laakiin masuuliinta Kenya waxa muhiim u ah iney adduunka tusaan, iney la tacaali karaan oo ay u babac dhigayaan cabsida dalkooda uga imaankarta argagixisada gudaha iyo tan dibadaba.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.