| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 16.10.2003 - 10:21 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBCSomali.com Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in markii ugu horreysay Soomaaliya tan iyo intii ay dhacday dowladdii hore ee Soomaaliyeed haatan laga furay barnaamij waxbarasho sare oo gaaraya ilaa master iyo PHD. Xaflad amuurtaas lagu maamusayo ayaa la qabtey. Xafladdan oo lagu qabtay xarunta kulliyadda Computer Science iyo Information Technology ee Jaamacadda Muqdisho ayaa looga dhawaaqay billowga barnaamijkan waxbarashada sare ee bachelor-ka kaddib ah kaasoo gaarsiisan min diploma hal sano oo jaamacadda kaddib ah, ilaa Master iyo weliba ilaa PHD, waxaana si wadajir ah isaga kaashanaya Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda Umdurmaan Islamic University ee dalka Suudaan, waxbarashadan oo dadka Soomaaliyeed loogu bishaaraynayo in hadda la helayo iyadoo aanan loo dhoofin oo aanan dhibaato kalena loo marin. Sida lagu sheegay war faah-faasan oo isagoo qoraal ahna dadka loo qeybiyey waxa uu barnaamijkan xoogga saarayaa horumarinta takhasusiga ah ee maaddada waxbarashada, maamulidda waxbarashada iyo sidoo kale horumarinta manaahijta, taasoo looga baxayo dhibaatadii ka taagnayd tiro yaraantii Soomaaliya ka haystay macallimiinta aqoonta sare leh, tiro yaraantii maamuleyaasha tababaran iyo weliba jiritaan la'aantii ka taagnayd manaahij mideysan. Labadan jaamacadood ayaa haddaba waxay hawshan waxbarashada sare u qeybsadeen Jaamacadda Umdurmaan ee dalka Suudan oo hawsheedu noqonayso in ay ka masuul ahaato dhammaan arrimaha waxbarashada sida aqbalidda ardayda, in ay keento Profesoorrada casharrada bixinaya, qaadista iyo sixidda imtixaanaadka, arrimaha cilmi baarista iyo weliba in ay kormeerto thesiska isla markaana bixiso shahaadada. Jaamacadda Muqdisho waxa ay qaabilsntahay martigelinta dhammaan barnaamijkan waxbarasho iyo maamulka goobaha waxbarashada, maamulka ardayda iyo diyaarinta maktabadda waxaanay labadan jaamacadood heshiiskan wada gaareen bishii Nofembar ee sannadkii 2001, iyadoo ilaa xilligaasna loo diyaargaroobayey sidii loo meel-marin lahaa heshiiskan. Barnaamijka diploma-ha ee waxbarashada waxaa ka qeybgeli kara arday kasta oo haysta shahaado jaamacadeed oo la aqoonsan yahay waana hal sano, barnaamijka master-kana waxaa ka qeybgeli kara qof kasta oo haysta shahaado jaamacadeed oo la aqoonsan yahay ama diplom-ka waxbarashada, PHD-na waxaa geli kara qofkii haysta Masterka, waxaanay diiwaangelintu billaabanaysaa 25-ka bishan iyadoo socon doontaa ilaa 30-ka bisha Nofembar. Xafladdan Khamiistii looga dhawaaqay furitaanka master-ka iyo PHD-da ee dhinaca waxbarashada oo ah markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga helo waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan dalladaha waxbarashada ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Jaamacadda Muqdisho saraakiisheeda iyo saraakiil ka socotay safaaradda Suudan ee Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wakiilka Dhariq Axmed Cabdullaahi oo ay soo wakiilatay Jaamacadda Umdurmaan. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |