| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 12.10.2003 - 10:49 Wakhtiga London
Cabdirisaax X. Catoosh - BBCSomali.com Xaalada siyaasadeed ee wadankan ayaa waxaa sii murjisay arimo dhowr ah oo ayaamahanba la isku haystay. kuwaasoo muran iyo qaylo weyn ka dhex abuurtay rag sar sare oo oo ka mid ah xisbiga talada haya ee Narck. Amuurta sida aadka ah la isugu hayo ayaa waxa ay tahay samaynta jago Ra'iisul wasaaradeed oo markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu daro howsha dastuur beddalka ee hadda socota taasoo kala fogaansho ka dhex abuurtay xisbiga talada haya ee NARC. Xisbiga LDP oo isbahaysigan NARC ka mid ah ayaa iyagu waxa ay doonayaan in la sameeyo ra'iisul Wasaare uu dalka yeesho oo waliba waxay u doonayaan Raila Odinga oo ah wasiirka Howlaha guud iyo guryaynta. Halka dhinaca kalena, xisbiga Isbahaysiga Kenya ee uu madaxweyne Kibaki ka tirsan yahay ay ka doonayaan in jagadaasi la sameeyo laakiin ay iska noqoto uun jago ra'iisul wasaaradeed oo awood saas ah aan lahayn oo iska maqaarsaar ah. Amuurtan ayaa waxa ay wadankan Kenya ka abuurtay in shaki uu kala dhex galo ururweynahan wadanka ka taliya ee Nark. Qodob kale oo isagana keenay iimaanbax ka dhex abuurmay xubnaha dowlada ku wada jira ayaa waxa uu yahay dilkii la dilay Profaysarkii Christoper Odiambo Mbai oo markii ugu horaysayba uu Raila Odinga uu sheegay in uu ahaa dil siyaasadeed, Ninkaasi oo gurigiisa lagu dhex toogtay ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxda ka qayb galaysa howsha dastuur badalka waxa uuna madax ka ahaa gudi hoosaad qaabilsanaa ku baahinta gobolada awooda dowlada dhexe ee dalkan Kenya. Dilkii Profaysarkaasi ayaa waxaa uu si weyn isga hor keenay siayaasiyiinta sare sare ee dowlada ka tirsan oo u kaal jabay qabiil qabiil waxaana sidoo kale farta lafiiqay in dilkaasi ay ka dambeeyeen dad dhowr iyadoo xitaa ay baraalamaanka Dhexdiisa la sikula soo qaaday cidii dishay ninkaasi. Norman Nyagah oo oo xubin ka ah baarlamaanka ayaa isagu la sheegay in uu maalgaliyay oo uu lacag ku bixiyay dilka Profaysarkaasii oo darisna ay ahaayeen. Markii ninkaasi la dilay waxaa kala booday siyaasiin badan oo u kala jabay labo dhinac waxayna hada amuurtaasi u eg tahay in buuqa ka dhasay uu aad u weyn yahay. Waxaa Labadaasi dhinac ay kala yihiin Raila odinga iyo rag la dhinac ah iyo siyaasiyiin isugu jira Kikuyu,Embu iyo Meru oo la isku yiraahdo Gema siyaasada ahaan aad moodo in ay isa sii bahaysanayaan. Amuurtan hada ka dhex taagan Xubnaha Ku wada jira dowlada ayaa waxa ay meesha ka saaraysaa balan qaadyadii ay hore Isbahaysigan Narck ugu sameeyeen shacabka kenya iyadoo hada ay dadku u arkaan amaba ay u muuqato in wixii dowladu ay qaban lahaydba inay kaga mashquushay xal un helida murankan ka dhex taagan siyaasiyiinta dowlada ku wada jira. LDP oo ah ururka oo ka tirsan isbahaysigan ayaa dhinaca kale waxa uusan ku qanacsanayn jagada Madaxweyne Ku xigeenimada ee la siiya Moody awoori oo LDP-da ka tirsan. waxayna weli sii wadaan dooda ah in ay xaq u leeyihiin in la sameeyo jago ra'iisul wasaare oo waliba iyaga la siiyo. Kulaylkan siyaasadeed ee hada wadanka Kenya ka jira ayaa dad badan waxa ay u arkaan in Markii horeba Ururweynaha Narck uu doonayay in uu xukunka ka qaado xisbigii Kanu iyo fikirkii Moi uu ku watay Uhuru Kenyata sidaad darteedna aysan Jirin Sal dhexe oo adag oo ay ku kala dambeeyaan ururkan Talada dalka haya, maadaama Waqti gaab uun ay ku midoobeen taasoo markii horeba ka dhalatay Mucaaradkii hore u jiray iyo qoladii Kanu ka gadooday oo isu tagay oo ururkan Narck ku midoobay. Laakiin su'aasha Kenyaan badan ay is weydiinayaan ayaa waxa tahay Halka Xisbiga Narck uu la qabtay wixii i balan qaad ahaa ee dadka loo sameeyay, mise kala qoqobnaatoodan ayaaba hilmaansiisay wixii ay dalka ka qaban lahaayeen. Madaxweyne Kibaki oo isagu ah ninka ay sida tooska ah u taabanayso muranka siyaasadeed ayaan weli ka hadlin waxan la isku hayo, walow ayaamahaba uu dibada ku maqnaa hadana maanta ayuu wadanka ku soo laabmay waxaana kibaki sugaysa howl wax ka qabashadeeda fikir badan u baahan. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |