| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 12.10.2003 - 07:43 Wakhtiga London
Munaasabad gooniya oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintey qaraxii Bali ayaa lagu qabtey bartii uu ka dhacey qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof. Dadka kulankaasi iskugu yimid ee halkaas uga baroor-diiqanaeyey eheladii uga dhimatey bamkii kal hore maanta oo kale ka dhacey Bali waxa ay dhageysteen dareenka gaarka ah ee tiiraanyada leh ee uu halkaas ka jeediyey Ra'iisalwasaarha Australia, John Howard oo ku ballan-galey inuusan dalkiisu waligii ilaabeyn 12 Oktoobar. Dadkii qaraxaas Bali uu dhibka u geystey waxa ay u badnaayeen waddanka Australia oo 88 qof ay kaga dhinteen. Ra'iisalwasaare John Howard ayaan ka mid ah madaxdiii ka qeybqaadatey munaasabooyinkii dadkaasi lagu aasey. Maanta oo hal sano ay u buuxsantahy dhacdadaas murugada badan ku reebtey dad badan, ayaa qoysaskii iyo eheladii dadku uga dhinteen qaraxii Bali ay ubax iyo sawiro dhigayaan darbi lagu wareejiyey bartii eheladii ay jeclaayeen ay ku naf-waayeen. Ra'iisalwasaarha Australia John Howard oo ka hadley xuska sanade-guuradii koobaad ee qaraxii Jasiiradda Bali ayaa u muhadnaqey dadka reer Bali, waxana uu yiri waxa aan baraney in caradeenna aan xakameyno oo aan diiradda saarno sidii kuwa dambigaas geestey cadaaladda loo hor keeni lahaa. Susilo Bambang Yudhoyono oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaardda ammaanka ee Indonesia ayaa mar kale dib u xaqiijiyey sida ay dowladdiisa uga go'antahay iney ugaarsadaan argagixisada. Qaraxii kal hore ka dhacey Bali waxa uu jug weyn iyo qasaare u geestey hawlihii dalxiiska oo Bali u haa lafdhabarka dhaqaalahooda. Haatan waxa ay jasiiraddu iskudayeeysaa iney dib u soo ceshato magaceedii oo ay dadka dalxiisaya ku dhiirigaliso iney Bali ku soo laabtaan. Shaqooyinka ku xiriira daxliisku waxa ay nolol maalmeed u ahaayeen kala bar dadka ku nool Jasiiradda Bali. Waxana uu qaraxaasi dhaawacey sumcaddii iyo magacii Bali ee loo yaqaaney iney tahay meel nabad ah oo dadka joogana ay yihiin kuwa leh saaxiibtinimo furan. Dowladaha Britain iyo Australia oo kala bar dadka ku dhintey qarxii Bali ay ahaayeen dad u dhashey dalalkooda, ayaa weli shucuubtooda uga digaya ineysan Bali ku tagin safar aan daruuri ahayn. Dolwadda Indonesia's waxa ay Britain iyo Australia ka dalbaneysaa in digniinahaas laga khafiifiyo Bali. Laakiin xafiiska Arimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegey in weli ay ka jirto Bali halis dhab ah on loo bariiri karin. Si kastaba ha ahaatee, quruxda aan guureyn ee Jasiiradda Bali ay leedahay ka sokow, reer Bali wey ku adkaan doontaa iney dalxiisayaal badan ay soo jiitaan mustaqbalka dhow. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |