|
|
 |
 Jimce, 10.10.2003 - 07:48 Wakhtiga London
 |
Muqdisho:Golaha Samatabixinta Soomaalida oo shirey
|
Xasan Barise - BBCSomali.com
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Khamiistii uu isbahaysiga Cusub ee Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhawaaqay ku xigeennada maamulkaasi.
Waxa Goluhu sheegey in weli uu socdo dhammaystirka dhisamaha qeybaha kale ee Isbaheysigu.
Shir ay albaabbadu u xirnaayeen ee uu golahaasi ku lahaa hotelka Global ee magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii looga dhawaaqay afar guddoomiye ku xigeen oo uu golahaasi yeelanayo, waxaana uu guddoomiyaha isbahaysigaasi u sheegay BBC-da, in la isku raacay in uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi uu noqdo Colonel Barre Aadan Shire Hiiraale, guddoomiye ku-xigeenka labaadna Maxamed Ibraahim Xaabsade, guddoomiye ku-xigeenka saddexaadna Cismaan Xasan Cali Caato, guddoomiye ku-xigeenka afraadna Colonel Axmed Cumar Jees.
Muuse Suudi Yalaxow waxa uu sheegay in dhismaha golahaasi uu weli sii socdo, iyagoo welibana ka war-sugaya dhammaan dadka ka maqan. Muuse Suudi waxa uu intaasi ku daray in golohoodu uu yahay gole nabadeed isla markaana ay doonayaan dhammaan dadka uu ku sheegay in yihiin dad mudan isla markaana ay uga tanaasulayaan wax kastoo ay ku dawoobi karaan sida uu hadalka u dhigay. Golahan cusubi waxa uu dhowaan heshiis la galay dowladda KMG ah, taasoo ahayd tallaabadii ugu horreysay ee dhinaca siyaasadda ah ee uu qaado golahan.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|