| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 09.10.2003 - 05:21 Wakhtiga London
Arnold Schwarzenegger ma ahin jilaagii ama aktarkii ugu horeeyey ee gobol California ka noqda guddoomiye Gobol, waxa aad loo wada xasuusan yahay Ronald Reagan oo Califorinaa iyo Aqalka Cadba soo maamuley. Arnold Schwarzenegger sida Reagan oo kale Madaxweyne kama noqon karo waddanka Mareykanka oo haddii xataa dadku ogolaan lahaa waxa reebeysa shardiga ah in qofka Mareykanka Madaxweyninimadiisa u tartami kara inuu yahay qof dalka gudihiisa ku dhashey. Mr Schwarzenegger isagoo 19 jir ah ayuu ka tagey Austraia uu ka mid ah dalalka yar yar ee Yurub, aabihiisna waxa uu ahaa nin ka tirsan booliska. Waxa la rumeysan yahay in guushii uu ka gaarey jilista aflaanta ay qeyb ka ahayd isagoo jir dhiskiisu hagaasnaa una dhashey laxaad, dherer iyo awood weyn oo muuqata, intii uu yaraana aad ugu dadaaley hawlaha la xiriira jir dhiska. Magaca uu ka helay jilistii aflaanta ayaa dadka qaar ay ku doodayaan iney u horseedey inuu haweysto oo weliba uu ku guuleysto guddoomiyanimada gobolak uga weyn dalka Mareykanka. Maadaama aanu khibrad u lahayn siyaasadda, waxa dad badani ay odorosayaan in Mr Schwarzenegger aysan u fududaan doonin la tacaalista hawsha iyo maamulista California oo haddii ay waddan kaligeed taagan ahaan lahayd dalka shanaad ee adduunka ugu dhaqaalaha weyn. Dareenkaasi dadku qaba waxa dhalinaya iyadoo ay haatan California soo foolsaartey hoos u dhac dhaqaale oo weyn. Hawsha iyo loolanka ugu horeeya ee Mr Schwarzenegger u taal waxa ay tahay hoos u dahaca miisaneydeed ee gaaraya siddeeda bilyan ee doolar ee haatan heysata California. Taas oo 50% ay ku sii kordhi doonto haddii uu Schwarzenegger ka rumeeyo ballanatii uu qaadey markii uu ku jirey ololihii uu ku yimid xafiiska oo ay ka mid ahayd inuu masaxi doono saddex jibaarista cashuurta baabuurta oo sanadkan la soo saarey. Waxa kale uu Schwarzenegger ballanqaadey inuusan goyn doonin miisaaniyadda waxbarashada, laakiin xisaabaata waxbarashada inteeda badan waxa loo qoondeeyey barnaamijyo gaar ah, taas oo Guddoomiyaha Gobol ee cusub siineysa fursad yar oo uu wax ku kala dabaro. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |