| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 03.10.2003 - 16:43 Wakhtiga London
By Caspar Leighton, BBC Analysis Programme Abdirahman Koronto BBCSomali.com.
Dhacdada 3-dii October, waxaa laga sameeyay filim Hollywood-ku leeyahay oo loogu magacdaray Black Hawk Down. Ciidamada Maraykanku, waxay ka mid ahaayeen ilaa 50 kun ciidan gaaraya oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka qaybqaadanayay howlgal loogu magacdaray Howlgalka Rajo Soo-celint "Operation Restore Hope," kaasoo guuldaro ku dhamaaday sanadkii 1995-tii markii Qaramada Midoobay ay ka soo baxday Soomaaliya. Maanta Soomaaliya wali ma laha dowlad dhexe, waxaana loo arkaa in ay dhici karto in ay noqoto meel ay ku dhuuntaan howlfuliyayaasha ama taageerayaasha al-Qaacidda ee ka cararay Afghanistan, waxaana soo baxaya hadda in Maraykanku uu dano cusub ka leeyahay Soomaaliya. Wixii dhacay Sanadkii 1993-dii, Dalka Soomaaliya, waxaa uu si buuxda gacanta ugu jiray kooxaha aad u hubaysan oo iska soo horjeeda oo awoodda ku loolamaya kadib markii xukunka laga tuuray madaxwaynihii dalka Maxamed Siyaad Barre, isla markaana qaar badan oo dadka Soomaaliya ka mid ah ay gaajo u dhimanayeen. Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee waqtigaasi, Boutros Boutros Ghali, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo loo diray Soomaaliya oo Rajada ku soo celiya, sida loogu magacdaray Howlgalkan, Howlgalka Rajo Soo-Celinta.
Hase yeeshee, bishii June, 24 Pakistaniyiin ah oo ka tirsanaa ciidamada Qaramada Midoobay, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen maleeshiyooyin hubaysan oo Soomaali ah. Waxaa wixii xilligaasi ka dambeeyay jawiga oo dhan uu isu rogay mid colaadeed, ciidamada ajnabiga ahna waxaa ku adkaaday in ay jawiga dejiyaan, balse waxaa sii kordhay dhaawaca iyo dhimashada, gaar ahaan dadka rayidka ah. Xaaladda dhulku way sii xumaatay, markaasoo ciidamada Maraykanka oo iyagu ahaa kuwa ugu badan ugu xooga badan xoogaga Qaramada Midoobay, waxay dhibka oo dhan dusha ka saareen hogaamiye kooxeedka Maxamed Faarax Caydiid. Ciidamadiisa ayay ahaayeen kuwa laayay ciidamada Pakistan, mana uusan doonayn Caydiid in uu dagaalka joojiyo. Iyagoo raacaya warar sir ah oo loo soo sheegay in Maxamed Faarax Caydiid uu damacsan yahay in uu shir ku qabto Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa ciidamada Maraykanku ay go'aansadeen in ay hotel-ka weeraraan. Weerarkoodu, wuxuu noqday mid qasaare ba'an uu ka soo gaaro: Kuma guuldaraysan oo kaliya in ay soo qabtaan Caydiid, ee waxaa ka dhintay ilaa 18 askari oo ciidamadooda ka mid ah, iyaguna waxay dileen boqolaal Soomaali ah markii dagaalku sii daba dheeraaday. Shan bilood kadibna Maraykanka wuu ka baxay Soomaaliya. Wadan Kala qaybsan Hadda, iyadoo inta badan uu ugu wacan yahay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1990-kii, ayaa gobolada iyo magaalooyinka waawayn waxaa ka taliyaya hogaamiyayaal qabiilo kala duwan, gobol kastana, sida uu sheegay Tifaftirada Laanta Soomaaliga BBC-da, Yusuf Garaad, waxaa ka jira heerar kala duwan sharci iyo kala dambayn ah iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.
Dan Simpson, oo ah safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya bartamihii 80-yadii, waxaa uu yiri, "Meel kasta oo aanay dowlad ka yihin waxay xarun u noqonaysaa argagixisada, sidaa darteedna waxa walwal laga qabaa Soomaaliya." Kadib markii la qarxiyay safaaradihii Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998-dii, oo lagu eedaynayay al-qaacidda, ayaa saraakiisha Maraykanku ay bilaabeen in il gaar ah ku eegaan guud ahaan Bariga Africa, gaar ahaana Soomaaliya. Wararka sirdoonka Maraykanka, waxay sheegayaa in Usama Bin Laden uu dhowr jeer tagay Soomaaliya sanadihii Sagaashameeyadii, uuna ka qaybqaatay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in uu ku helayo in loo ogolaado in uu saldhig ciidan ka furo iyo goobo tababarba. Soomaaliya, waxaa loo arkayay in ay tahay halka uu tagi doono Usama Bin Laden kadib Afghanistan. Weerarada argagixisada "Kadib isla markiiba dagaalka Afghanistan, waxaa cabsi xoog leh laga qabay in howlfuliyayaasha iyo xubnaha sare ee al-Qaacidda ay aadayaan Soomaaliya si ay halkaasi gabaad uga dhigtaan oo ugu dhuuntaan," sidaasi waxaa yiri Jason Barke, oo qoray buugga Al-Qaacidda ee loogu macag daray, Casting a Shadow of Terror, hase yeeshee, Mr Burke wuxuu yiri ma dhicin taasi, ugu yaraan inta uu Maraykanku og yahay. Hase yeeshee, digniinta Washington ee Soomaaliya ku aaday in ay noqon karo meel ay u cararaan argagixisada, waxay soo cusboonaatay mar kale markii bishii November ee 2002 markii weerar kale oo noociisu la mid yahay kuwa al-Qaacidda uu ka dhacay Bariga Africa
Laba weerar oo isku mar ka dhacay magaalada Mombasa ee Kenya, oo kala ahaa gantaal dhulka laga riday oo wax yar lala gafay diyaarad kuwa rakaabka ah oo Israel ay leedahay iyo bomb lagu burburiyay hotel Israa'iiliyiinta ku caan ahaa, halkaasi oo ay ku dhinteen 13 qof. Si la mid ah weeraradii lagu qaaday lagu qarxiyay safaaradaha Kenya iyo Tanzania, ayaa mar kale Washington waxay ka cabsi qabtaa in Soomaaliya si uun xiriir ula leedahay arrintan. "Weearka Mombasa wali ma cadda, waxaa laga yaabaa in taageero dhinaca howl gududaynta ah ay ka heleen dad asal-raac ah oo ku nool gudaha Soomaaliya, kuwaasise tiradoodu aad ayay u yar tahay wakiilna kama aha guud ahaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Mr Burke. Dhaqan kala duwan. Inkastoo Soomaaliya ay xaga sare kaga jirto liiska wadamada uu Maraykanka isha gaarka ah ku hayo, ayaa hadana Mr Burk uu sheegay in yar tahay cadaynta dhabta ah ee Soomaaliya lagula xiriirin karo al-Qaacidda. "Dhaqan ahaan Soomaaliya kama jirto asalraacnimo xad dhaaf ah oo la mid ah tan guud ee al-qaacidda ay doonayso. waanay ka dhaqan duwan yihiin, hadii sarkaal sare oo ka tirsan al-qaacidda uu isku dayo in uu isku qariyo Soomaaliya, waxaa suurtagal ah in ay ka doortaan abaalmarinada loogu ballanqaado soo qabashadooda oo ay ka leexdaan mabda'ooda," ayuu yiri Mr Burke.
Safiirka hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya, Dan Simpson, waxaa uu sheegay in maadaama Soomaaliya ay tahay wadan aan deganayn oo dowlad dhexena aan lahayn uu Maraykanku wali xaq u leeyahay inuu ka foojignaado. Hase yeeshee, Marka dhinac la iska dhigo halistan oo lala barbardhigo wadamada kale ee aan xaisloonayn ee dunida ee khilaafyadu ka jiraan, muhiimada Soomaaliya ay leedahay waa mid hoosaysa. "Maamulka Bush xaaladaha Afghanistan iyo Iraq ayaa muhiimad aad u saraysa u leh, waxaanan u malaynayaa in Maraykanku uu xooga saarayo dhibaatooyinka noocaasi ah," ayuu yiri Mr Simpson. "Maraykanku waxaa hadda wadaa siyaasad ah in uu isku dayo in wadamada deriska la ah ay Mas'uuliyadda Soomaaliya qaadaan." Waqtigan la joogo, wadamada Bariga Africa waxay ku howlan yihiin oo socda shir nabadeed oo heshiis awood qaybsi ah ay ku gaarayaan kooxaha horay ugu dagaalamayay Soomaaliya. Hase yeeshee, marka la eego dadaalo hore wadaxaajoodyo nabadeed ah oo lagu guuldaraystay, ma badna rajada laga qabi karo shirka in uu guulaysto. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |