| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 28.09.2003 - 16:11 Wakhtiga London
Malaayiin Talyaani ah ayaa saaka koronto la'aani qabsatey ka dib markii waddanka ay ka dhacdey koronto weysadii ugu xumeed taariikhda dhow ee Talyaniga inta la xasuusto. Injineerada wadanka Talyaaniga ayaa si tartiib tartiibah ugu howlan dib u soo celinta korontada wadanakasi Talyaaniga oo go'dey, taasoo lagu tilmaamay tii ugu xumeyd ee taariikhda soo marta. Korantadii ayaa maanta caadi ugu soo noqotey meelo ay caasimada Rome ka mid tahay, iyadoo la filayo in meelaha ay ka mid yihiin bartamaha iyo koonfurta dalka iyagana loo soo celsho dabka mar aan fogeyn. In ka badan konton milyan oo dadka talyaaniga ah ayay haleeshay korotada xuamadu , waxeyna ku soo aadya wakhti aroortii hore ah waxeyna sababtay in tareenadii istagaan wadooyinkiina isku xirmaan. Biyihii aya xitaa dhibaato soo gaartay, Isbitaaladana waxaa la geyey dad da' ah oo waxyelo soo gartay. Wadamada kale ee dariska la ah Talyaaniga ee Iswitzerland iyo Austeriya aya iyagana sidaasi oo kale noqday. Hey'adda quwada dabka ee qaranka ayaa waxey sheegtay in korontada go'aday ay sabab u tahay iyada oo ay ciladdi gahsay qeybo ka tirsan qowadaha korontada ka timaado wadanka Faransiiska. Laakiin Faransiisku waxa uu eedda saaray hawada oo xumaatay. Dhibaatada korotada ku timid ayaa waxey dhowaantaan ka dhacaday wadamada mareykanka iyo Kanada iyo weliba qaar ka mid ah dalalka Iskandaneeviyaanka, magaaladatan London lafteeda waxa ay la kulantay dab go'ed aan caadi ahayn. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |