|
|
 |
 Arbaca, 01.10.2003 - 11:04 Wakhtiga London
 |
Jabuuti oo hakad galisey doorkii ay kaga jirtey shirka Soomaalida
|
Yusuf Xasan - BBCSomali. Com
 Yusuf Hassan | Dowladda Jabuuti ayaa BBC-da u sheegtey in aysan taageeri doonin shir aysan Soomaalidu u dhameyn.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Ismaaciil Gulaal Budin ayaa sheegey in ujeedada shirkan Soomaalida loo qabtey ay markii horeba ahayd in la dhiso dowlad loo dhabn yahay, haddana ay muuqato in taas la garab- maray, sidaas darteed ay dowladda Jabuuti go'aansatey iney hakad galiso xubinnimadii ay ku lahayd guddiga farsamada ee IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda meesha la yiraa Mpaghathi ee ku taal duleedka Nairobi.
Waxa Mr Budin uu intaas ku darey in dowladda Jabuuti ay xubinimadeed hakad ku hayn doonto ilaa inta laga saxayo khaladdaadka jira.
Waxa kale oo safiirka Jabuuti uu sheegey haddii la dhiso dowlad aan loo dhameyn in laga yaabo in arinkaasi uu keeno colaad iyo dhiig Soomaaliyeed oo daata, sidaas darteed aysan dolwadda Jabuuti taageeri doonin dowlad aan loo dhameyn.
Waxa kale oo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya uu sheegey in dowladda Jabuuti ayna koox gooniya taageereyn, laakiin mar kasta ay gacan siineyso danta guud ee Soomaalida.
Mar uu Mr Ismaaciil Gulaal Budin ka hadley sida Mbagathi wax looga maamulo, waxa uu eedeymo u jeedshey guddoomiyaha shirka Mr Kipligat oo uu sheegey inuu qaatey tallaabooyin aan laga wada tashan, arintaasina ay dhalisey in dowladda Jabuuti ay shirka ka qaadato go'aanka ay hadda gaartey.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|