|
|
 |
 Khamiis, 25.09.2003 - 11:21 Wakhtiga London
 |
Nin Somaali ah oo lagu diley Baqdaad
|
Qarax ayaa maanta ka dhacey caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad kaas oo loo maleenayo in loo wadey shabaqadda Telefeshanka Mareykanka ee NBC oo saldhig uu u yahay hoteelka al-Aike ee qaraxu ka dhacay.
Nin Soomaali ah oo ka shaqeenyey hoteelkaas ayaa ku dhintey qaraxaas, laba qof oo kalena waxa dhaawacey muraayadihii qaraxu duuliyey.
Haweeney wariye u ah NBC ayaa sheegtey in qaruxu uu gariirshey siriirtii ay saarneyd, bohol weyna uu ka qodey hoteelka dhiniciisa. Waxa lagu soo waramayaa in bambadaas lagu tallaaley meel u dhow dab qeybiye ama Jenerator.
Wariye BBC-da uga soo hadlay Baqdaad ayaa sheegey in qaraxani u dambeeya uu kor u sii qaadey walaacii ay suxufiyeenta reer Galbeedku ka qabeen amaankooda. Waxa wariyahaasi ay sheegtey in qaraxani uu yahay calaamaddii u dambeysey oo aad mooddo in ay ku badeleen xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa cadowga ku ah isbaheysiag Mareykanku uu hormoodka u ayahy ee Ciraaq heysta.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|