| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 23.09.2003 - 14:05 Wakhtiga London
Waxaa maanta la soo afjaray hawlgal laba-geesood ahaa oo lagu sugayey amniga waddada dheer ee isku xirta Muqdisho ilaa Kismaayo taasoo dhererkeedu yahay 520km. Hawlgalladan amniga oo isku mar ka kala billowday magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa ka dhashay qeylo dhaan weyn oo ay gaadiidleyda iyo dadweynaha adeegsada waddadaasi dheer ka sameeyeen burcad aad u naxariis daran oo isku saftay waddadaasi meelo kala du-duwan, kuwaaso qaarkood baad ay ka qaataan baabuurta iska daaye marar badan xitaa geysan jiray dil, dhac iyo weliba kufsi lagu kaco haweenka masaafurka ah, taasoo dabadeed noqotay mid loo adkeysan waayey. Hawlagalka ka soo billowday magaalada Kismaayo ee isbahaysiga Dooxada Jubba waxaa hoggaaminaya taliyaha guud ee ciidanka isbahaysigaasi, Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle, halka dhinaca Muqdishana uu ciidanka dowladda KMG ah hoggaaaminayo Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde oo ah ku-simaha maamulka Shabeellaha Hoose, waxaana maanta labada nin iyagoo wada jooga magaalada Jilib ay ku dhawaaqeen in maanta ay waddada dheer ee Kismaayo ilaa Muqdisho nadiif ka tahay burcad. Haddii aan ku horreeyo Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle waxa uu khadka talefoonka magaalada Jilib iigu sheegay in ay qaadeen 16 jid-gooyo oo yaallay u dhaxaysa magaalada Kismaayo ilaa Kuunyo Barrow, taasoo ah masaafo dhan 250km, waxaana jidgooyooyinkaasi ku jiray kuwa ugu dar-daran ee dadka masaafurka ah lagu waxyeelleyn jiray, kuwaasoo kuwa ugu sii dar-darani ay yaalleen inta u dhaxaysa Xaramka ilaa Saddexda Buundo oo magaalada Jilib ka sokeysa. Intii uu hawlgalkan socday cidina wax kagama noqon ciidanka Dooxada Jubba, waxayse hawlgalkaasi ku dileen labo burcad ah, labo kalena wey dhaawaceen iyagoo lix kalena ka soo qab-qabtay. Marka aad eegto warbixintan waxaa muuqanaysa in ay burcaddu ka kala firxatay hawlgalka, taasoo ah khatar kale in ay mar kale ku soo noqon karaan waddada haddii ay dareemaan in ciidanka Dooxada Jubba uu ku noqday fariisinkiisii, laakiin Maxamed Rooble Jimcaale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawshooda ilaa laga tir-tiro burcadnimada. Dhinaca ciidanka dowladda KMG ah waxay ilaa iyo hadda waddadaasi u dhaxaysa min Afgooye ilaa Kuunyo Barrow ka sifeeyeen 45 jidgooyo oo dadka lagu dhibaateyn jiray sida uu xaqiijiyey Yuusuf Indhocadde oo garwadeen ka ah hawlgalkaasi ciidanka milatariga dowladda KMG ah. Yuusuf Indhocadde waxa uu sheegay in intii ay hawlgalkaasi wadeen ay ku dileen dhowr iyo toban burcad ah iyagoo dhowr iyo toban kalena ku dhaawacay, waxayna gacanta ku soo dhigeen 38 burcad ah oo waddadaasi dhibaato ku hayey. Intii uu hawlgalkani socday waxaa ciidanka dowladda KMG ah kaga dhimatay labo askari iyadoo ay afar kalena kaga dhaawacmeen. Sida ay xaqiijiyeen labada masuul ee Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle iyo Yuusuf Indhocadde oo hadda wada jooga magaalada Jilib lama joojin doono hawshan lagula dagaallamyo burcadda, waxaana weliba la sii baacsan doonaa burcadda ka warheshay hawlgalkooda ee ka kala carartay jidgooyooyinkii ay joogeen ilaa la hubinayo in aanay burcaddu soo noqon karin waddada. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |