BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Jimce, 19.09.2003 - 07:55 Wakhtiga London
Mareykanka oo askar kale looga diley Ciraaq
Askarta Mareykanka waxa gaadmada lugu diley iyagoo baaraya meel lagu tuhunsanyahay in hub lagu qarinayo
Askarta Mareykanka waxa gaadmada lugu diley iyagoo baaraya meel lagu tuhunsanyahay in hub lagu qarinayo

Weerar gaadmo ah ayaa shaley saddex askarta Mareykanka ah lagu dilay iyadoo ay weerarkaas ku dhaawacmeen laba kale meel ku dhow magaalada Tikrit ee ku taal woqooyiga Ciraaq.

Miletriga Mareykanka ayaa sheegey in ay soo foolsaartey weeraro badan oo lagu qaadayo ciidamadooda iyadoo xeeladaha lagula kacayana ay yihiin kuwa khibrad iyo ilbaxnimo sare leh.

Todobaatan iyo lix Marerykan ah ayaa lagu dilay Ciraaq ilaa intii ka dambeysey 1dii bishii May ee sanadkan, markii uu Bush sheegay in dagaalkii weynaa ee Ciraaq uu dhammaadey.

Saraakiisha Mareykanku waxa ay ka fikirayaan in ay dhimaan ciidamada ka jooga magaalooyinka Ciraaq oo markaa ay ilaalinta waddanka ku wareejiyaan askar maxaliya oo waddanka u dhalatey.

Necybka Mareykanku waxa uu ku badan yahay bartamaha waddanka Ciraaq, iyadoo magaalooyinka qaarna ay dadku si buuxda uga aamin bixeen.

Ciidamada Mareykanka walwal ayaa haya oo xoog aad u badan ayeey isticmaalaan markii ay dareemaan in la soo weerarey.

Mararka qaarna waxa dhaca in hubka ay furaan ay ku dhintaan dad reyd ah taasoo ka careysiisa bulshada oo kor u sii qaadda cadowtooyada loo qabo askarta Mareykanka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.